Q O R A A L

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 Aadan Cabdi Jibriil

  HJ - Biciide -Iidle Biciide

Somali Poetry

Gabaygan Waxaan ka qoray Axmed Xasan Cali Oday 29/01/2012.

Gabayga soo socda waxuu utiriyey nin ay isku qoys ahaayeen oo la odhan jirey Axmed Weyrax Saalax (AHN)oo aabihiis Weyrax Saalax lagu diley duullaan ay Daraawiish ku qaadeen niman Iidle Biciide iyo Boho meel la yidhaahdo Geedo Midhaleh oo u dhow Garoowe. Qorigii Weyrax waxaa soo qaaday Ibraahim Jaamac oo u keeney wiilkii sii Axmed Weyrax oo markaas shan sano jir ahaa, geelii Daraawiish laga soo dhacayna saamigiisii ayaa la siiyey wiilka yar. Axmed Weyrax markuu weynaaday ayuu gabadh ka doonay nin Muuse Ismaaciil ah oo la odhan jirey Jaamac Cali muuse (AHN) . Waxaa lagu xidhay inuu gabadha yarad uga baxsho dhamaan geela uu leeyahay iyo baarqabkooda iyo weliba hadhuubkii geela oo la odhan jirey (Afgobaadle). Tirada geela waxaa lagu sheegay 24 tuldood . Geela oo lasii wado bixintiisana lagu muransanaa ayaa nin la odhan jirey Cigaal Laba waranle la kulmay (AHN). Cigaal oo la hadlaya wiilkii, odaygii gabadha laga doonay,geelii iyo gabadhii ayaa yidhi:

Jaamac Cali waxaan idhi : "Ma waxaanay gabdhahayagu lahayn bay gabadhaadu leedahay ? Yaradkii aad ka bixiseen waa la ogaye". Jaamac waxuu qabay sadex dumar ah oo Biciide ah.


Inanka waxaan idhi : "Nin labanaas oo kor u jeeda arkayaa ma arki karo afar naas hoos oo hoos u jeeda".

Geelana waxaan idhi: "Adaraxmaan dhaaftaye Uduruxmiin u gal"

Gabadhana waxaan idhi:"Nujubku ku keen"


Geelii sidaas ayuu ku tegey oo yaradkii looga baxshey. Hadaba Aden Cabdi Jibriil ayaa tixahan ku canaananaaya wiilkii :


Gas ku jiraha maantaad ahayd, habarta guud saaran
Gorgor baa ku cunay aabbahaa, goobti loo tegeye
Garaad-laawayahow cayn uu yahay, waanad garanayne
Ninkii yarad guraa wax buu, yara gunnaafaaye
Duq gabowdey iyo buu baxshaa, gabanta nuugay e
Gunta miyaa la taabtaa horweyn, gole ka guuxaaya
Hadday gabadhu wiil kuu dhasho, gaajadaad arage
Adna awr laguu soo gibliyo gogoli kaa dheere
.


Hadaba waxaa dhacday in mudo yar ka dib ninkii geela la wareegey gabadh ka doonay nin Uduruxmiin ah oo la odhan jirey Xasan Cabduulle Yaxye. Xasan Waxuu ku xidhay Jaamac Cali Muuse oo gabadha ka doonay inuu dhamaan bixiyo geelii uu yaradka uga qaatay Axmed Weyrax. Sidaas bay ugu dhamaatay sidii uu saadaaliyey Cigaal laba-waranle oo uu geelii ugu galay Uduruxmiin.


M A Q A L

  More

  More

  More

 

 

Copyright ©2002, Hoygasuugaanta.com