Q O R A A L

 

 

 

 

 

 

 

 Cali Abaar Warsame

  Habar Jeclo - Reer Yonis

Somali Poetry


Cali Abaar wuxu tixdan ku sifaynayaa geela. wuxu yidhi Cali Alla ha u naxariisto isaga iyo intii muslim ahba'e:

Kun Gaaddada habeed soo marshoo gigi ka yeedhayso
Aan gaar habeen seexanayn geelow adigaa leh
Ku gaaleemadii wada ridood luqunta good mooddo
Oo aan xeryaa soo geleyn geelo adigaa leh

Gaskujire markuu geedo cuno wada garmaameeya
Oo habarti goofaadhi badan geelow adigaa leh
Gurguurtaaga awrkee waqii gurada loo buuxsho
Ee guriga laga soo shixmado geelow adigaa leh

Galawada abeertee candhada labada law geysey
Ee aan gelgelimaa ka kicin geelow adigaa leh
Mid toddoba gu jirayoo mudkiyo kurusku giig beelay
Oo goonni daaqyada eryada geelow adigaa leh

Gabnadaan abiidkeed aqoon gobo'da caanoodba
Ee Ololka giicdaa taqaan geelow adigaa leh
Geydhada martida loo lisee gorofka loo qaado
Ee Gaawe laga soo gingimo geelow adigaa leh

Kii Dayrta wada goojiyoo haatan gucummeeyey
Oo naasku golof duuban yahay geelow adigaa leh

Waxay Gawrar daaqdaba hadday gubato laabteedu
Gendelkiyo haddii loo xidhxidho giringir loo xoodey
Oo ceelki uu gaadan jirey gadawga loo saaray

Oo inan u gaammuray Wadaan ugu garaacaayo
Gogga iyo haddi labada qaar gebi ka weynaado
Oo ay Candhada giijisoo gaax la kici weydo
Caanaha Gadiidkii qotoma geelo adigaa leh

Duq gabawdey oon labada daan gawsna kaga oolin
Oo gaawi laga buuxin jirey gelow adigaa leh

Garteedana hadday laba qabiil meel isugu guusho
Gashigeedu waa belo haddii laysu gaatamo'e
Gadhcaddaagu xaajada hadduu gacan-togaaleeyo
Kii godobta loo naqay hadduu gamasyo soo qaato
Gaajo iyo Haraad iyo naftoo kugu gadoodaysa
Guntiga iyo gaydhaha qabow geelow adigaa leh

Haddii uu nin gabadh doono oo guunyo badan dhiibo
In kastuu Gammaan soo dhuroo gobi is laab raacdo
Gacaladuba waxay saaran tahay sidigta Gooraane
Haddii Gool la qalo oo hilbaha laysu wada geeyo
Gogosha iyo Guurtida fadhida geelow adigaa leh

Iyadoo Hilaac galalac yidhi Garawo soo raacday
Iyadoo daruuraha gabdhamey dibugu soo guurtey
Iyadoo Gargaro meel leh iyo galax bannaan joogta
Guutooyin loo dhuray haddii weerar lagu gaadho

Gudguduudka waaberi haddii galidu soo yeedho
Gurboobkiyo haddii lagu hor dilo gaabka wada naaxay
Galaayuuska qaylada haddii la isku soo gaadho

Anigiyo gankaygii haddaan geeydh ka ledi weyno
Gebagebaha maantaa hadday Good ka ololayso
Maadhiin gawaamiyo hadduu gumuc ka qiiqaabo

Qoluunbay gariimadi ruqdaa oo gebi ku ciiraaye
Gorgor haashinaayiyo dhurwaa gigaya meydkiisa
Iyo goob xun oo rag isku dilo Geelow adigaa leh



 

M A Q A L

  More

  More

  More

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Copyright ©2002, Hoygasuugaanta.com