Q O R A A L

Cumar Xuseen " Austraali"

HA - Sacad Muuse Jawaabti Tarabbi

Somali Poetry

Cumar Ustareeli iyo Xasan Tarabbi o ahaa laba abwaan oo waaweyn waxa dhex maray dhawr gabay iyagoo kala metelaya labadooda beelood ee walaalaha ah. Silsiladdaas labada abwaan is weydaarsadeen oo aanan wada hayn waxa ka amid ahaa gabayadan soo socda oo aan dhammayn.

Xasan Tarabbi gabaygiisa Ciddi-Jiid waa kan lahaa;

Dadku waa is wada caayayaa Cumar ma noo faanay
Ma cuwaaflahaan qarinayuu caawa noo tiriyey.

Gabaygaas Ciddi Jiid oo ay ka jawaabeen abwaanno dhawr ah oo Sacad Muuse ah oo uu ka mid ahaa abwaankii Yuusuf Cabdalle Muuse ayuu Cumarna kan ku lahaa.  Adiga ayaan kaa sugaynaa inaad soo dhammayso gabaygan iyo kuwa kaleba.

Abidkiinba wadaad qaawiyaa, qayd idiin lula e
Qadaadweynta reer Sacad hadaan, qabarka gadhsiiyo
Qolmadoobe iyo Cayn hadduu, qiiqu kor u duullo
Qudhoon kaa jaro iyo naftood, qariso mooyaane
Qaaxada ninweyn oo dhurwaa, qodayo mooyaane
Qolqolada nin joogoon abtow, qarinno mooyaane

Qareen iyo xigaalkaynu nahay, ood qirato mooyaane
Qowsaarro tobana oo hilibaha, qalaya mooyaane
Qoraxay Ogaadeen haddaan, laga qareen raacin
Haddaan nabada waad quudhsatee, qaalin lagu doonin
Qosolkiyo haddaan Tarabiyow quruxdu beenoobin.


 

 

 

 

 

 

 

 

M A Q A L

  More

  More

  More

 

 

Copyright ©2002, Hoygasuugaanta.com