More

  More

  More

  More

  More

Aw Jaamac Cumar Al-Hayaag: oo qiil-tiray wiilashii Qurjiile!
02.11.2008 modified 02.28.2008

Waqti hore waxa hoygan ku soo baxay dhawr qormo oo aannu kaga hadalnay tuugaysi badheedh ah oo dad maangaab ahi kula kaceen suugaan badan oo ay baylah moodeen. Suugaanta liitigu isku dayeen inay weecsadaan waxa ka mid ahaa gabayadii Salaan Carrabey, Faarax Nuur, Xirsi Boqon, Muxumud Liibaan Jadeer, Sh Ismaaciil Kolan, Dirir Warsame, Cabdi Gahayr, iyo abwaanno kale oo aannaan halkan ku dhamayn karin.

Inkastoo aanay ahayn suugaantu wax muran geli kara haddana waxa xusid mudan inaan soo qaadanno buugaag, waraysiyo, iyo qormooyin ay leeyihiin rag Daaroood ah oo weliba kuwooda xag-jirka ah oo caad tiraya inaan muran ku jirin dhawr beyd oo ka mid ahaa gabaygii "Mine" ee Salaan Carrabay oo markii hore ay ciyaal Dhulbahante ahi isku dayeen in ay bililiqaystaan, markii danbana laga sheegtay geedkii Doqon-ma-waaye.

Odayga Hayaag ee cimrgiisii ku idlaystay ka been-sheegga iyo buunbuuninta taariikhdii madoobayd ee hororkii wadaad-ku-sheegga ahaa ee Ina Cabdulle Xasan ayaa ku marag furay qolyihii taariikh raadiska ahaa ee ku mamay suugaanta aysan lahayn. Odaygaas Hayaag ee Aw Jaamac wuxuu sheegay inuu hor fadhiistay  Cali Dhuux Aadan isla markaana ka qoray gabayadiisii. Wuxuu Odaygaas Hayaag sheegay inaanu Cali Dhuux gabaygiisa ku jira silsiladda "GUBA" ee xarafka "DH"-da ku socda inaanu Cali Dhuux ku darin baydadka labada ah ee ka mid ah gabayga Salaan carrabey ee la damcay in lagu kabo. Odaygan Daarood  dhawr buug oo uu qoray ama uu wax ka qoray ayuu si shaki la'aan ah ugu caddeeyey meerisyada caruuraha Yurub iyo America ku cayilay ay damceen inay is daba mariyaan. Waxan ka xusi karnaa caddaymahaas oo xoojinaya kuwii aannu hore u bixinnay ee tirada badnaa;

1. Buugga "Birmageydo" (1997) (M. C. Riiraash, Aw Jaamac Cumar Ciise, iyo rag kale) oo ay ku muujiyeen gabayga "MINE" ee rag suugaantoodu sabooloowdey caashaqeen.
2. Buugga "Himiladii Suugaan yahannadii Hore" waxa uu Aw Jaamac ku caddeeyey In Salaan Carrabey gabaygani lee yahay.
3. Buuggga "kas dumar..." ee Aw Jaamac ku dhamaystiray gabayga Salaan Carrabey iyo sheekooyinkii la xidhiidhay ee gabaygu ku soo baxay.
4. Axmed Faarax Cali "Idaajaa" iyo Aw Jaamac waxa ay si wada jir ah BBC-da uga daayeen gabayga Salaan Carrabey AHUN (Fadlan haddaad duubtay noo soo tebi).

Dhawrkii nin ee qaldamay ee Dhulmahante mar haddii uu qiil tiray odaygoodii Aw Jaamac oo yidhi gabayga "Dh"da ah ee Cali Dhuux afkiisaan ka qoray kumana darin beydadkaas muranka la gelshey, tollow maxaa u yaal dadka hadda soo hanbaabiray iyo hadaaqa Dhoodaan ee ducfinadiisu gaadhsiisay inuu damco inuu suugaantii Soomaalida ee qaaliga ahayd u rogo jacburkii lagu yiqiin ee caruurta iyo haweenka uu ku mada-daalin jirey. Allaylehe waa hog. Reer Soolna la sax, Dhoodaanna damac kama aha ee ruux anbaday uun ka soo qaad. 


Waa neef dameeroo ka ciyey dugagga reeraaye
Inkastay dannaanida shubaan dan u bax sow maaha.


 



 

  More

  More

  More

  More

  More

 

Copyright ©2007 Hoygasuugaanta.com