Q O R A A L

Ibraahin Aw Raanl

HJ - Adan Madobe Ammaan Geel

Somali Poetry

Gabaygan wuxu tirshey abwaanku mar ay aabihiis isku qabteen geel. Gabayga waxa abwaanku tirshey waqti 70 sano ku dhawaad laga joogo.

Aabboow ninkii garanayaan gabay u sheegaaye
Garaad laawe iyo maatadaan garannin dawgiise
Geelaa haddii aanan wadin kuna galoollaannin

Gololada abeerowday iyo Gool ma wadanneene
Giddigii markuu rimay maxaan guri ku hayn waayey
Sida Goonni-daaqyada maxaan gar u tallawsiiyey

Gufaacada xagaagii maxaan geedka kaga beegay
Maxaan kii Galoofana Ratiga guuxaya u tu'iyey
Maxan gabanta nuugtiyo gashii gees isugu ooday

Gorka lama jaqsiiyee maxaan Gorof u soo qaatay
Gafanaha dhegaa iyo maxaan Shilin ka googooyey
Iyadoo gondaa qori ka mudey gaabisna ahaatay

Goobaarti aan siday maxaan gaasir kaga jeebay
Maxaan sahanka guud iyo.....gees walba u raacay
Maxaan baadidisoo la gabay anigu soo gaadhay?

Giddigii markuu rimay maxaan guri ku hayn waayey
Guraabaaska yeedhii maxaan ugu galaydhyeeyey
Gucle iyo tallaabiyo maxaan orod ku soo gaadhay
Goonida maxaan lebiCaleen geeyey dhiniciisa


 

 

 

 

 

 

 

M A Q A L

  More

  More

  More

 

 

Copyright ©2002, Hoygasuugaanta.com