Qoraal (Written)

  More

  More

  More

  More

 
     
 
Maqal (Audio)

  Dood Cagdheer

  Gantaal Oromo

  Jawaabti Makayto

  Jawabti Loodh

  Colaad Sokeeye

  More

 
     

 
 
  Voice over Internet Protocol, also called VoIP, IP Telephony, Internet telephony,Broadband telephony, Broadband Phone and Voice over Broadband is the routing of Voice conversations over the Internet or through any other IP-based network  
     
 

  Bashiir Ismaaciil

 

 

  Ciidagale

  Colaad Sokeeye

  Gabaygan waxaa tiriyey Bashiir ismaaciil mire oo ah raga aad iyo aad ugu dhuun daloola suugaanta ahna raga taariikhda reer soomaaliland iyo soomaalida kaleba aqoonta u leh,haddii ay noqoto qabiil ahaan iyo haddii ay noqoto dhul ahaanba gaar ahaan reerka la yidhaa ogaadeenka oo uu u tiriyey gabayo aad u tiro badan.

bashiir ismaaciil mire Wuxuu gabaygan tiriyey 21/2/92 wakhtigaa oo bashiir ku sugnaa carriga ingiriiska magaalada London gaar ahaan xaafada stone bridge ee galbeedka London.
Bashiir ismaaciil mire gabaygan isagu magac umuu bixin sida uu sheegay markii uu gabayga samaynayay oo Wuxuu yidhi idinku hadaa dad weynaha tihiin magacaa doontaan ugu yeedha.

Bal hadaba bashiir ismaaciil mire isaga oo aan aad ugu faraxsanayn amaba aynu odhan karno aad iyo aad uga xun warka uu maqlay ee ahaa in colaad sokeeye ka dhacday wadankiisii hooyo ee uu u hanka weynaa, ee mudada dheer loo soo halgamayay ee ay dadka aadka u tirada badani naftooda u soo hureen ayuu gabaygan tiriyey waxaanu yidhi gabayaagu.

 

Hadduu gabay hidiyo dhaxal galiyo, dooda lagu dhaato
Tilmaantiisiisa dheer waanigii, dhaabbi jiray waaye
Dhamaanna maayo wiil naga dhashoo, goolka dhaliyaaye
Dhawaaqqii Gahayr iyo Salaan, culimadii dhaartay
Halkay odayadii hore dhigeen, dhaqanka duugiisa
Ana dhaafin maayee balaan, sii dhex galo weedha,

Abaar dhaharatiyo milicda iyo, dhamacda jiilaalka
Diraac dhabana haysiyo kaliil, oon la dhegga beelay
Dhugayada haraadkiyo markay, dhacartu weehawdo
Dhunquluulka liitiyo marbaad, dhuunyataa moqore
Marbaad dharrabka moodaa biyiyo, rays dhowaan da’aye
Dheddedda iyo ceeryamadda iyo, foore dhaxameedka
Dhalanteedka kuu baxa marbaad, doog ku dhabataaye
Galsho dhuraya joogtiyo markay, haradu dhooqoowdo
Daba goosi dheer maalintaa, dhaanka loo qabaye,

Rati toban gu’ iyo dhawr jir iyo, baarqabkii dhaartay
Dhuumaha la saar haamihii, dhumucda weynaaye
Dumarna kala dhaqaaqyoo markaa, qaarba dhinac raacye
Dhal magaalo kuma beegsatiyo, tii dhalaan jaqaye
Dharaar qudha haday guri lahayd, kuma dhowaadaane
Dhigta iyo habluhu udubka iyo, kebeda dhawr jaada
Tobaale dhibicaaysanoo, shaalka lagu dheehay
Isku joog dhalaaliyo hablii, dhigayay googooska
Dhirtana diiri jirayee yiqiin, dhaqanka weeyaanee
Dharaartaa gashaantida dhabta ah, xadhiga loo dhiibye,

Mar haday hogaanka u dhuftaan, dhaanto lagu qaadaye
Dheemaalka guuraa iyagoo, sii dhanbalay meel fog
Dhinac tu’iye ceelkii iyagoon, welli dhibaatoone
Dhakhsona waxay u buuxshaan wixii, weel la soo dhigo’e
Hilayga iyo ma dhaafaan furkee, dhaadimaa xidhaye
Markay awrtu dheregtee, rakaad cilso dhawr jeerna
Mar labaad ku dhacadiidiyoo, dhoocilkii raraye
Dhabbaday yaqaaniin waddada, toobiyaha dhoowe
Dhinacna kama maraan raadka hore, waa u dhiganyaye
Geeraarka dheer bay tirshaan, dhool maxay tidhiye
Dhawaaqoodu waa hees kalgacal, lagu dhegeystaaye
Iyagoo dharaar iyo la sugay, maalmo dhalandhoola
Dhanka laga filaayaa tilmaan, dheer la sahanshaaye
Markay soo dhowaadaan meshxerrada, looga dhagac siiye
Dhallaankii duleedada tubnaa, farxad la dheeldheelye
Rarkana laga dhig inna toosankii, hawsha dheer galaye,

Dhibtase laguma waaree cirkoo, dhaysta midabeeyey
Gu’ dhabriile iyo baa ku xiga, dhoobbo iyo dooge
Mahiigaan dhurmaayiyo raxmaad, dhinacyada u hooray
Onkod laba dhacaayiyo kolkuu, reenka dhimi waayo
Uu taaha dhoowr jeer lalabbo, guuxa laga dhuunto
Eey fiintu wada dhawrsatee, baqaa wada dhawaaqaysoo
Sida aar dharaar qaday markuu, dhuunta ka higoodo
Mawjadaha dhaadheer hillaac, kala dhex qaadaaya
Dhulkana wada iftiinshaa jiruu, mawluhu u dhigaye
Duufaanka dhiirani kolkuu, dhirraha laynaayo
Gantaalaha is dhaafiyo marbuu, danabka dhiibaaye
Dharaartaa haweenkii miyigu, dhababe mooskiiye
Dhibna kuma lahoo taana, way dhalan yaqaaniine,

Qaxootigase dhowaan yimi intuu, waab dhabdhabay oodda
Taanbuug dhanbuuqa leh kuway, danni dhigtee joogay
Ma dhidbana dhulkana looma qodin, dhaxanna waa tiiye
Dhudhumo uu ku joogsado maliyo, tiira dhumuc weyne
Gidaar lagu dhaweeyaa ma jiro, waa ban dhaygagahe
Surrad loo dhigiyo saamihii, wadda dhalaalaayey
Xakab laga dhex tuuriyo ma laha, dhig iyo foodsaare,

Durba dhinac banaanaa intuu, sii dhanbuuqsadaye
Kana dhex qaaday laydhii dadkii, mooday hoy dhabahe
Dhufatayoo dabayshii ridoo, goor horuu dhacaye
Kuwa dhagaxanyaalihii ka helay, gegga banaana dheera
Eey gaydhu dhabanaanisiyo, dhibicdii soo hoortay
Ummushii dhashiyo kay dhashee, dhuunta gelinaysay
Ee naaska dhuunyanayayeen, dunnibba dhaadaynin
Waxba uma dhexeeyaan daadkiyo, dhinaca feedhaa’e


Dharaartay rajada soo galeen, dib u dhiskii joogay
Dhereg iyo kalgacal bay fisheen, soo dhoweeyn badane
Kuwii cadawgu dhuuxee horoon, meel la dhigahaynin
Inaa kala dhantaashaan mar kale, meesha may dhigane
Miyaa dhega la’adiin xaalku waa, sii gun dheeryahaye,

Afartaa tilmaan aan dhinayn, dhidinka maw aasay
Ma dhameeyey beyd gaabku wuu, kala dhantaalaaye,

Dhakhsose waxaw iloowdaan wixii, aad dhib mudateene
Dhextaalkeeda maansada ninkii, dhaadayaa garane
Tanna dhawra way idiin hadhaye, aad dhandhamiseene,

Shacabkii dhameeya iyo la yidhi, ruuxka dhaqan diida
Ee la yidhi dastuurkaa dhigaye, dhaca adduunkooda
Ee la yidhi ninkii dhagar ka gala, derajada u dhiiba
Ee la yidhi askari dhiiranoow, dhaxalka qayb sheego
Ee la yidhi dhismihiyo daarrihiyo, moodka uga dhaarta
Dharaartaa ninkii lacag hayana, jeel u dhaadhiciya
Dabadeedna laaluushka dhura, way ka dhigayaane
Ee la yidhi ka wada dhoofiyoo, yay dhulkaba joogin
Dabadeedna qaar aan u dhalan, dhiga badaalkooda,

Dharaartay rajadda soo galeen, dibu dhiskii joogay
Dhereg iyo kalgacal bay fisheen, soo dhoweeyn badane
Kuwii cadawgu dhuuxee horoon, meel la dhigahaynin
Inaa kala dhantaashaan mar kale, meesha may dhigane
Miyaa dhega la’adiin xaalku waa, sii gun dheeryahaye,

Afartaa tilmaan aan dhinayn, dhidinka maw aasay
Ma dhameeyey beyd gaabku wuu, kala dhantaalaaye,

Dhakhsose waxaw u iloowdaan wixii, aad dhib mudateene
Dhextaalkeeda maansada ninkii, dhaadayaa garane
Tanna dhawra way idiin hadhaye, aad dhandhamiseene,

Gobta dhimatay reeraha dhacmiyo, dhiiladiyo hooga
Dhabreelaha goblamay gaariyihii, dhaxanta loo saaray
Ee kaare dhinacyaynayaa, hooyga uga dhaartay
Uu dumiyey dhawr jeer intuu, dhab u ilaalaystay
Hablihii dharkii laga furtiyo, dahabka dhuuntooda
Dhalaan iyo caruur aabbihii, dhiqi lahaa waayay
Agoontaasi dhexdeenay ilmada, dhabanka duugeene
Dhalin yarada naafaha ah, iyo dhaawac tiro beelay
Waayeel da’a dhabanaanisiyo, taawsi dhinac taala
Oon orodka dheeraynahayn, xoogga wuu dhimaye
Oo way kala dhaqaaqeen wax orod, socodna dhiireeyey
Dheguhuna cuslaadeen intee, waranka loo dhiibay
Oo lagu dhugtamay wiilashuu, dhaliyo reerkiiba
Oo weliba dhaqan dooris iyo, dhaanto lagu qaaday

Dharaartay rajadda soo galeen, dibu dhiskii joogay
Dhereg iyo kalgacal bay fisheen, soo dhoweeyn badane
Kuwii cadawgu dhuuxee horoon, meel la dhigahaynin
Inaa kala dhantaashaan mar kale, meesha may dhigane
Miyaa dhega la’adiin xaalku waa, sii gun dheeryahaye,

Afartaa tilmaan aan dhinayn, dhidinka maw aasay
Ma dhameeyey beyd gaabku wuu, kala dhantaalaaye,

Dhakhsose waxaad u iloowdaan wixii, aad dhib mudateene
Dhextaalkeeda maansada ninkii, dhaadayaa garane
Tanna dhawra way idiin hadhaye, aad dhandhamiseene,

Waxase ay ka dhigantahay hadaan, dhinac ka faaleeyo
Ninka waalidkii bahal la dhacay, miciyo dhaadheerli
Ee dhababaceeyee ka riday, dhaawac kaga reebye
Dhakhtar iyo halkuu geyn lahaa, dhaymo nololeedka
Isna dhuunta toorida ka sudhay, dhaqankii sow maaha,

Afartaa tilmaan aan dhinayn, dhidibka maw aasay
Ma dhameeyey beyd gaabku wuu, kala dhantaalaaye,
Dhakhsose waxaw u iloowdaan wixii, aad dhib mudateene
Dhextaalkeeda maansada ninkii, dhaadayaa garrane
Tanna dhawra way idiin hadhaye, aad dhandhamiseene,

Dhayal maaha weedhiyo warkani, aan dhiig ku soo qoraye
Sambabada dhexdoodiyo haddaad, dhuunta gelin weydo
Dhinacyadiyo feedhaa hadaanad, buuga ugu dhiibin
Hadaan beerku dhuunniga u noqon, raashinka u dhiiba
Wadnuhuna xusuus dheer haduu, dhawda fidin waayo
Maskaxdaada dhewr jeer haday, soo dhex gelahaynin
Oonay dhibicda faalaynahayn, muranka dhiilaysan
Dhegahaaga waanada hadaanad, fiiro ugu dhiibin
Dharaarii ku soo maray haddaad, hoos u dhugan waydid
Wixii dhacay shalaytana hadaanad, maanta dhinac joojin
Haddii aad ku dhaaf uun tidhaa, raaxadaad dheregtay
Dabaylaha dhacaayiyo warkaa, dhaaxo kuu simane
Xooluhuba way dhuunyadaan, raashin loo dhigo’e
Dhalmana way yaqaaniin, waa taranta dhuuxeede
Hadduu bahal soo dhacanna, way dhababaceeyaane
Bal maxaad ku dhaantaa hadaan, talladda kuu dhiibo,

Afartaa tilmaan aan dhinayn, dhidibka maw aasay
Ma dhameeyey beyd gaabku wuu, kala dhantaalaaye,
Dhakhsose waxaw u iloowdaan wixii, aad dhib mudateene
Dhextaalkeeda maansada ninkii, dhaadayaa garane
Tanna dhawra way idiin hadhaye, aad dhandhamiseene,


Waanada dhameeyaye hadaan, dhinac kale u leexdo
Dhawaaqqii burcaa qaar tilmaan, dheer ka bixiyeene
Daray naga dhaxaysaa is yidhi, dhimatay guushiiye
Geesi xiddido dhaardheer ma rido, laydh xagaa dhacaye
Ma dhawrsado dhibtiyo geeridiyo, dhiigu way sharaf’e
Dheeraad nin doonaa ma helo, dhaabadaan dego’e
Hidahaygu dheeldheel ma galo, dhaadashada guude
Dhaqankayga lama doorin karo, dhimasho mooyaane
Dhalaanka iyo haweenkaygu waa, dhiiga hurayaale
Dhalashadu waxay diidantahay, way ka dhididaane
Dharaartay dagaal tahay libtiyo, guushu way dhalad’e,

Waataan ka dhiidhiyey markay, dhagartu taagnayde
Waataan dhunkaasha iyo suntiyo, dhidhiyey waabaye
Dhulkoodii kumay noqon kuwii, haadka loo dhigaye
Dibna may u dhoofine kuwii, dhaxalka soo doontay
Dhanka aakhiray wada jiraan, naarta lagu dhoobye,

Dhuun gooye aariyo libaax, kayn dhabacanaaya
Shabeel booda dheerinaya, dhirraha guudkooda
Harimacadka neefkuu dhufsado, kaynta ugu dhuunta
Weeraha hadduu adhi dhex galo, tirro dhamaynaaya
Dhurwaagiyo waraabaa dhiciyo, dacawga dhoosleeya
Guduudane bakhtiga dhuuyadiyo, dhuuflihii xoorka,

Guduudane bakhtiga dhuuyadiyo, dhuuflihii xoorka
Dhuuryadda hilbaha quudatiyo, baqaye dhiilaysan
Dhuun diirka duulee hawada, soo dhambala meel fog
Gorgor laga dhanbuugsado markuu, dhacayo yoonkiisu
Ooy dhan uga yaacaan markuu, soo dhex galo haadka
Dhiraa toosiyaa taharta iyo, dhuuxa wada siiba
Tukaha dhawrsadiyo xuurta iyo, xuunsho dhabandaada
Inta dhiiga uun sanisee cuntiyo, habar dugaag oo dhan
Mid weliba sarkaal dhinacyo weyn, wiil ka dhigay waaye
Kornayl dhaadanaa iyo askari, saajin dhagaraysan
Markay janan dhandhamiyaan ducay, noo dhig dhigayeene,

Afartaa tilmaan aan dhinayn, dhidinka maw aasay
Ma dhameeyey beyd gaabku wuu, kala dhantaalaaye,
Dhakhsose waaw u iloowdaan wixii, aad dhib mudateene
Dhextaalkeeda maansada ninkii, dhaadayaa garane
Tanna dhawra way idiin hadhaye, aad dhandhamiseene,

Dhulka aan xoreeyey iyo hadaan, calanka dheer saaray
Dhayal laguma keenine raggbaa, dhiiga hoorsadaye
Dhamac iyo daba loo mariyo, dhuxulo naareede
Rasaas laba dhacaysaa wax badan, laabta loo dhigaye
Dhuun gooyihii iyo deyrkaan, dhaafi jirey waaye
Dhabadiisa oo maydkaa waddada, dhiibsanaan jiraye,

Afartaa tilmaan aan dhinayn, dhidinka maw aasay
Ma dhameeyey beyd gaabku wuu, kala dhantaalaaye,
Dhakhsose waxaad u iloowdaan wixii, aad dhib mudateene
Dhextaalkeeda maansada ninkii, dhaadayaa garane
Tanna dhawra way idiin hadhaye, aad dhandhamiseene,

Hadhka dheeliyo waa adduun, dhinac boglayntiiye
Dharaarta iyo habeenkaa is xiga, labad fiid dhawre
Gudcur dhuxula iyo maalintaan, kala dhamaanayne
Dhababaciyo orod way sinmaan, orodka kii dheere
Hadan midna dhaafi kari waa, hadana kii kale dhaca’e
Way is daba dhunyaalaan sidii, awrta dhaqanka ahe
Qorax dhalatay baan arkaa, iyo waa dhalaal badane
Dhinacyada hareeraa waxay, fidisay nuur dheere
Daruuraha ku dhow midabadaa, dhawrba jaad yahaye
Jeegaan dhaba u sahamisaa, dhiibtay faraqiiye
Dhulka hoose waa doog biyuu, wada dhex joogaane
Dhagaxa iyo ciidiisuna waa, dheeman iyo luule
Dhegtii baa dhinbiil iyo maniyo, bixisay dhaameele
Waana laga dhursugayee hadduu, dhiiqayaa malabe
Manay dhaline hoobaan haday, fidisay dhaystiiye
Dambarkii ku soo dhacay hadaa. naasku dhiibsamaye
Cadaalad lagu dhiijiyana hadaa, dhiilka loo culaye
Quraankaan ku dhaartiyo sharciga, diinta noo dhigane
Haddii aan la dhaadhiyina waa, wada dhergeysaane
Dhamaantiin illaashada yay, maanta fool dhicine
Dudadeeda dheere muskana, ooda dhacan saara
Cadowna kaama dheeree, ha noqon seexde dhamadaada.

Waxa qoray: Cabdirisaaq Yuusuf Cubuli < Mahadsanid

 
Abwaanka gabay ma ka haysaa? Halkan noogu soo tebi
Name:
Email Address:
Magaca Abwaanka
Halkan ku qor gabayga

Copyright ©2007 Hoygasuugaanta.com