WEB SUUGAANTA    
 |   Home  |  GabayoMaqalAbwaan  |  Halqabsi  |  Halxiraale  |  Sheekooyin  |  Siyaasad  |










 
 
 
Dal-Dhammeeye

Caaqil Maxamed Bulxan (HA).
Maxamed Bulxan o ahaa Abwaan weyn oo noolaa qarnigii 19 aad wuxuu gabaygan tiriyey abbaara 1870. Wuxuu gabayga u tiriyey kadib markii beesha uu ka dhashay dagaal sokeeye ka dhex dhacay oo jilibkiisa dhawr nin laga galaaftay. Abwaanka oo noloshiisa intii danbe Caaqil u Noqday BAHO, REER AXMED (HA) wuxuu tusaalaynayaa sida soomaliba isu wada dishay ee isugu qaran jabtay. Wuxuu gabaygu dal dhammeeye kula baxay isaga oo tilmaamay goob kasta oo colaadi ka aloosnayd isagoo muujiyey Ilbaxnimadii Reer Axmed ee aqoonta dheeraadka ah u siisay aqoonta deegaannada Somalida ee fogfog ayadoo aan isgaadhsiini waagaas jirin.
  Burhaan gabay bulaalo beryaha beeg isma lahayne
waa taan ka baaliday sidii beeyo roob helaye
aan beyamiyo waa taan tixaa booni ku ahaaye

Nuux Maxamad waa tuu is bulay beri colowgiiye
Bixin kuma lisaan qaalmihii bool cadka ahaaye
biyaha Yeesif iyo Aadan wow kala baqaayaaye

barbaar jeedal sidataa ka nool labadii beeloode
Burcadii Ruguuda iyo Xiis waa banaantahaye
batar kama tumaan Muusayaal barandihii Maydhe

Laas Qoray baqoolkii ma galo bedenkii reer Suude
Boosaaso iyo aylna waa laga baroortaaye
burunjii ka madhay Nuur Cismaan jarayay baanaha'e

Majeerteen is bahardaadintii kala banaan qaadye
Burtunyaalo nimankii fadhiyay way ka baxayeene
baxsow Keenadiid wuxuu u kacay beled shisheeyaade

Hobyo ugama baaqeen kuwii baho u waynaaye
Biyomaal Baraawiyo fadhiya wabiga baaciisa
ayana buude dabadeed ma cunin bur iyo iidaane

biddoodkii kismaayoodna way is wada bog dooxeene
Boon iyo Xirsina haatan dhige bilic wanaagiiye
bulshadii Garaad Faarax iyo Barina naafowye

Barkad iyo guryihii bah Ararsame belel ka qiiqowye
Boos Cali iyo reer gorodna way kala birdhiiteene
Rawax maalintii lagu bulmay beden coloobeene

Buuhoodle laga waa waxay beri ku haysteene
reer Sugule goodiga bankuu baalcaddii dhigaye
yana baarax uma soo shiraan beri samaadkiiye

waa beeyo Habar Yoonistii bu'aha waalayde
waa taa laftoodii balaqan booran loo qodine
Arabna wuxuu la balawaasayaa boogtadii shalaye
waa tii Bah Deylana la dhigay bacadkii sheedyaaye

Makaahiilku boogaa ku yaal waa bukaa weliye
xagoodii biyood reer Biniin kuma bariistaane
boqor iyo ka hoosow ma jiro nimaan budhaysnayne
dadkaba nimaan baduugaa mar noqon buuga laga waaye

ninka baxaya buuraha jinkaa loo bidhbidhiyaaye
booraamo meleg buu ilays uga bidhaamaaye
balaayada aduun weli ma iman bohoradeediiye

buuray ku joogtaa intay reero baabine
hadba qolada bocor haysataa loo bayimiyaaye
badhaadho iyo sabool baysu jira laba bidhaamoode

banka xoolo lagu foofiyaan biid ka soo hoyane
waxa lagu bilkaydshaa raggii bohosha kaa yiile
Ayagoo barkaadaa la dilay Bile-yo Daauude

Boqorada la wada laayay iyo bilista ooyaysa
dadka wada bakhtiyay Adaribaan badhi ka noolayne
baashaha la soo sheegayo ee baladdadii qaatay
baaruddan layskaga cayimay beerka iyo laabta
Beri Carabna wax laga sheegayaa baashayaal xidhane

biyaha Awdal waxa joogi jiray wiilal loo bogo'e
Bulhaan iyo hayinkii dhalaa beri ku qooqnaaye
barkimooyin lacaguu lahaa haatan baalide'e

Waa baadi geerida Isaaq noo bud dhigayaaye
wadkii nabiyadeenii bulaa noo badheedh yimiye
burka reenyo hay dhigin ragii beertay laga qaadye

waysada biyee waxaan u kici baydkii nebigiiye
balkana ii dhi caawana qaluhu hayga sii baxo'e
naa adiguna tolkaa baal ka raac bulan xigaalkeene
 
 
     
Copyright 2000 - 2002  HoygaSuugaanta.com