Qoraal (Written)

  More

  More

  More

  More

  More

  More

  More

  More

  More

  More

  More

  More

  More

 
     
 
Maqal (Audio)

  More

  More

  More

  More

  More

  More

 
     

 
 
  Voice over Internet Protocol, also called VoIP, IP Telephony, Internet telephony,Broadband telephony, Broadband Phone and Voice over Broadband is the routing of Voice conversations over the Internet or through any other IP-based network  
     
 

  Caabbi Nuur Raage

 

 
 

  Ciidagale

  Dardaaran

 
Caabbi Nuur Raage oo ay dhashay Ina Nuur Ammaan oo Xirsi Ammaan la dhashay ayaa inaabtidiis doonay. Gabadh abtigiis wuxuu la rabay nin xoolo leh markuu dareemay inuu damac ka galay Caabbina waa uu uga xila furay. Caabbi oo ay inanta is laab doonayeen ayaa samri waayey markaasuu isagoo dagaal Ciidagale qaadayo abbaanduule ka ah ayuu damcay inuu gabadhii sii arko halka arrini ka taagan tahayna uu toydo. Gabadhii waxay damacday inay sooryeyso raashinna waa u keentay. Caabbi nin raashin u jeeda maahane wuxuu u sheegay gabadhii inuu duullaan u baxayo oo uu doonayo inay u ged-bixiso waxa ay ka damacsan tahay. Isagoo gabaygan aan dhammayn arrinkaas ugu sheegayana wuxuu yidhi:


Dalka kala fog dabadii Gashxoor,  gudubka Doocaale
Geeddiga dillaamee u kacay,  deyrki Qudhacweyne
Geelaa shisheeyaa la degey,  nimanka Daarooda
Sida doonni Naakhuudihii, diiradda u qaaday
Ama niman direysloo dhambaal, duhurki loo dhiibey
Degdegsiinyo socod baan ahaa, duni ma xaalayne
Dartaabay kabuu ii jareen, diiray boqontiiye
ku dib jirey dermadan goonniyeen, dani i yeelsiine
Dabkii waa baqtiyey xalay .. fiidki dabadeede
Bur la dubay bariis lagu dallacay, daawi lebenkeeda
Nin daryeel ku qabay baan ahaa, degelladoodiiye
Haddaan dhuuni doon ahay anfaco, dagan ma waayeene
Hadalkii aan kaa doonayey, diidmo iyo raacis!
An dardaarannee maad miduun diirka ka caddaysid.

 

Copyright ©2007 Hoygasuugaanta.com