| |
Dannood
Cabdillahi Muuse Cabdille Jiciir, (HY).
Gabaygan soo socda waxaa Cabdillahi u tirshay ooridiisii oo
intay colloobeen uu gogol dhaaf ku eedaynayo. Waa gabay
Cabdullahi aan wanaag u tarin oo wixii uu suugaan lahaa
gabaygaas uunbaa lagu xasuustaa. Dhaqankii hore ee Soomalida
ka mid ma ahayn gabdhah oo la caayaa sidaas darteed baa
Cabdullahi looga qaaday magtii gabadha uu aflagaadeeyey oo
xaaskiisii ahayd loogana furay. Gogol dhaafka Cabdillahi
sheegay shaki buu leeyahay waayo nin afadiisa loo daba maraa
ma sheegsheegee ceebtiisuu qarsadaa. Cabdillahi wuxu ku talo
galay inaan gabadha looga danbayn sidaan maqlayse waa la
guursaday oo danabyo ayay dhashay.
Wuxu yidhi Cabdillahi Muuse Alla ha u naxariistee;
(Gabaygu ma
dhamma,
manaa
saxna) |
| |
Caqligaa dabool laga geshaa duul
hadduu lumo'e
Durdurkuba hadduu dhagax dulmaro dihanka qoyn waaye
Meeshii dalleela bay biyuhu doog ka bixiyaane
Ruuxii damiin ahi qalbiga waa ka daar xidhane
Dadku haddii wax loo sheego ways darajo dha
Alla dooriyeey hadalku waa kaaga darayaaye
Dundumooyinkoo lala hadlaa damac ma yeeshaane
Dawo malaha naagtii xun ee diidda waanada'e
Doqontii ku yeeshaa wuxuun lagu dabiibaaye
Anunbaa nin doorka u dhashay aan duniba aafayne
Dar Ilaahay waxaan kaa nebcaa dadab-galkaagiiye
Rag bayse dooni buuxdaa baddaa kaga degaysaaye
Dabkayga iyo geelii ayaan durina la i siine
Kugu daalay dhaaxa'e haddaan didibso kaa waayey
Darbo iyo dilliin iyo inaan dirisba kaa yeelo
Saddexdaa midbaan kula damcee adigu soo dooro
.........
Naag yahay Dannoodbaa u weyn harada Doolloode
Duunyada haddii lagu horoo saalo lagu daadsho
Iyaba waa diqowdaa haddaan la isu diideyne
Darka Caynabay kugu masleen derisadeenniiye
Dawgii la marayaa dhexduu deri ku yeeshaaye
Dermadaan la laabini dhaqsay duug u noqotaaye
Duqsigaa ku dhaca xeedhadaan dabaqu saarrayne
Sida doogsin roob kaaga dhereg doobka reeruhuye
Dirxilaha Madheedh waa Cas yahay daawashada guude
Dawliilka baas waxad ku hodi duul an ku aqoonne
Geelaa markuu dararan yahay laba nin duugtaaye
Wax kaloo la darandoorriyaa damac ma yeeshaane
Anigaan ku dirin waadigii damaca waalnaaye
Daydayo haddaan kuu fasaxay debed wareegiiye
|
|
|
|