Tabantaabaday laba Gacmood tamar ku yeeshaane
Tiska waxa la qaadaa,   markay tiirisaa bidixe
Hadday midigtu keli taagan tahay tahar ma goyseene
   

 |   Home  |  GabayoMaqalAbwaan  |  Halqabsi  |  Halxiraale  |  Sheekooyin  |  Siyaasad  |


Dannood
Falaago
Qubane
 
 






 
 
 
 
  Cabdillahi Muuse Jiciir, (HY)

Gabayadan qubanaha ah ee uu tirshey abwaankii weynaa ee Cabdillahi Muuse fadlan soo dhammaystir haddaad hayso.

1.Gabaygan wuxu abwaanku ugu jawaabayey Salaan Carrabey oo tirshey tixdiisii caanka ahayd ee MINE oo uu isku dirayey Garxajis dhexdiisa ka dib markuu dareemay inay gar Burco lagu naqsanayey ay kaga hiiliyeen.

Salaanoow iyadu hays dishee duudda Habar Yoonis
Haddaan duxi marnaba kaa gelayn diradirayntooda
Axmed Faarax iyo Daahirkaad dibuga maagaysid
Miyaa lagu deldeli uunka maad wada dugaadhaysid


2.Gabayganna waxay isugu jawaabeen Abokor Cawed beyle
Wuxu yidhi Cabdillaahi oo sidaan maqlay gabadh uu rag badan u diidey uu ka guursadey nin Faqiir ahaa oo Habar Jeclo ahi. Isagoo taas ka xun buu yiri gabay ay ka mid ahayd

Haddii talada lay dhiibayo ooy tayda noqonayso
togdheer waxan ka dhigi laa bad aan laga tallaabayne


3.Togdheer.
Cabdillahi gabaygan sababta uu u tirshey ma hubo ee adaa lagaa sugayaa inaad soo tebiso oo nala wadaagto;

Togdheer baa calaacalay markuu tebey raggiisiiye
Inay Burco tolla'ayeey lahayd taarku noo yimiye
Cabdiyaa tumaatiyi jiroo tiirka hoos mare'e
Tolxumada waxaa iigu wacan taagga gubaddoode
Waxa Tindheertaydii la dhigay taaga Xodoyoode
Ogoobey Turkiba waa aarsadaa laba talaatiine


4. Dhabcaal.

Inkastuu dhabcaal gudhan yahay oo dharabo kuu diido
Dhanaad uga dhacdaba maal ku xiga waad dhadhamisaaye

5.

Tabantaabaday laba Gacmood tamar ku yeeshaane
Tiska waxa la qaadaa markay tiirisaa bidixe
Hadday midigtu keli taagan tahay tahar ma goyseene


Fadlan soo dhamee haddaad hayso gabayadaas.
 

 
 
     
Copyright 2000 - 2002  HoygaSuugaanta.com