Q O R A A L

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Abwaan cantooshe

   

Somali Poetry


Gabaygan inta yari naga soo gaadhay wuxuu abwaankani ugu jawaabayey ka dib markii sabaan ku habsaday caadaqaatihii qabiiliista ahaa Singub ee godobta ka galay dadkii wuxuu yahay ka dhigay:

Saatirkeeda uumaa ka dhigay, saalaxweetada e
Saad jeceshuhuun lama filee, saamiyaaa jira e
Sebenkey wacnayd waydinkii, diiday samihiiye
Socotada ragaad ugu timee, kuu sed burinaayey
Sudha tuurka waataad lahayd, seeddigaa rumahe
Sebigiyo dhalaankaad jartaa, sabada yaal yaale
Sucdibaad ku noqoteen ragii, soocanka ahaaye
Sideedaba haddii duul ku neceb, sebenku daaduunsho
Sakal cududa goysiyo haduu, galo sursuur oodan
Sadar uu abwaan hore yidhaa, saaka ii furane
Sawax iyo cayaar laguma dayo, Aar siddeed qadaye
Suulashaa horaa lagu socdaa, saba colaadeede
Sanqadh tirasho waw door nimay, rag isa seegeene
Soomali daayoo haddaad, sawdka kor uqaadid
Sadex magac Ilaahay raggaan seexiyaan kicine
Sacab timaleh weeeyaaan waxaad saabulahaysaaye.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

M A Q A L

  More

  More

  More

  More

  More

  More

  More

  More

  More

 

 

 

 

Copyright ©2008, Hoygasuugaanta.com