Caydiid Cumar Godane (Ciidagale)
Abwaankani wuxu noolaa oo gabyi jirey
horraantii iyo badhtamihii qarnigii tegey ee 20aad. Wuxu ahaa
abwaan weyn oo kuwa meelaha laga xayaysiiyo ka murti iyo
magacba weyn. Abwaankan waxan ku xasuusannaa murtidiisii ay ka
midka ahayd
Derisnim xumada
daarood, ninkii degey awaaraa ogo
Deyn inu
qadhaadh yahay, ninkii dumar ku yeeshaa og.
Gabaygan soo socda
oo dheer wuxu abwaanku ka tiriyey dagaalkii Dheriyo ee
Ugaadeenka la jebiyey. Gabaygu wuxu ku duuban yahay cajalad
maqalkeedu uu illaa xad daciif yahay. Fadlan haddaad hayso
soo gudbi;
Waayadanba gabaygii dayacay, dahabku
saarraaye
Denbaab iyo cabsaan kaga hakaday, lagu
dulloobaaye
Xaluunbaan....
Ka durduurta malabkaan ku daray, waa ka
da'ayaaye
Raggan gabayga deelqaafayee, nagu
dillaalaaya
Ninkastaa dantiisa ha hadlee, duuggu
waannaga'e
Waxa doodda loo daba socdaa, wuu ku
daayimaye
Anna dawga kama weecin karo, deelka
maansada'e
Dalkayaga barwaaqadu heshiyo, doogga
laga joogo
Nin waliba damaashaadka dhacay, waa ku
diirsadaye
Mar haddii xaqayadi dednaa nalala soo
doontay
Ma dagaallankiibuu tolkay, dogobbo
nooleeyey