More

  More

  More

  More

  More

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

CIISE DEMESH
Habar Jeclo Gabayo Qubane ah


Gabyaagii Ciise Demesh wuxuu ka mid ahaa ragga kaalinta hore uga jira suugaanta Soomaalida. Abwaanno badan oo uu ka mid yahay Jaamac Gacmadheere (IHUN) ayaa ku halqabsan jirey abwaankan.

Gabayadan qubanaha ah bal wixii aad nagu dhaanto ku soo dar haddii Eebbe idmo.

Ciise Demesh oo sifaynaya sababta ka danbaysa qushi-hadalkiisa iyo badheedhihiisa ayaa laga hayaa;

Hadii anan qabiil adag ka dhalan, qar iyo buur oodan
Ama aanan qolo sheeganayn, qabata liishaanka
Qumaati umaan tiriyeen tixii, qarada waynaaye
Qushina uma hadleen maalintuu qoonsimaad dhaco'e

______________________
Gabaygan inta kooban naga soo gaadheyna waa mid uu qoladiisa ku tilmaamayo tiir-bir ah oon la mari karin.

Xaaraama cunihii tegay, ee lays tix gelin waayay
Togdheer buu fadhiyey geelayagu, taaggi Lebisoole
Tuuraha nugaaleedna waw, tooxanaan jiraye
Halka udubka lagu teediyee, adhigu taandheeyey
Maadhiinka loo teediyaw, taagan qaylada e
Tuugguna ma xadin geelayaga, temeshlihiisiiye
Waa tiro badnaayeen lafaa, tuuranaa bariye
Ragba taharihiisii Tukiyo, toosiyaa cunaye
Miyaa aniga lay tudhay ninkii taag yaraa dhimaye.

______________________

Geelii Hagoogane ee Daraawiish iyo Ugaadeen laga maroorsaday markii lasoo qaadayna, nin Ciisa Muuse ah ayaa isagaa Habar Jeclada geelaas qaybta ka heshay jareexaynaya yidhi;

Illeen Dawaco geel soo heshaa heesta kama dayso

Ciise Demeshna waxa jawaabtiisii ka mid ahayd;

Daayeer harraad kuma galiyo, hawdka geela lehe
Haamaha ma dhaansado intuu, huriyo duullaane
huntatuulku waa ina uu, hudaha joogaaye
Maxaa heesta kaa galay, raaggii soo helaa wadaye.

______________________
Kanna intan yarbaa naga soo gaadhay ee bal soo dhammaystir haddii habartaa wiil/Gabadh dhashay!

Adduun doono waataan u tegay, oodda faransiise
Waan lay idmine xoolo way, ii iman lahaayeene
Iriddayba uga soo galaan, nin u ayaan roone
Albaabkaan garaacba wuu, igu adkaadaaye
Awayse ma laha naaguhu haddaan, uurku buuxsamine
Illowshiinyahay dheeryihiin, uumiyaa kale
Hadba sida itaalkaagu yahay, wax uma eegaane
Ayaantay qaddaabay wixii hore illowdaaye.


______________________
Berina iyadoo Cadan la joogo ayaa Salaan Carrabay xaflad u qabtay rag badan oo HJ ah oo gabyaa ahaa oo magaalada ku sugnaa. Salaan rag 20 kor u dhaafay buu gabay ku tartansiiyey waxaana la sheegaa inuu gabaygii ku guulaystay Cabdillaahi Baashe halka qolya kalena nin aan magaciisa na soo gaarin oo Biciide ah ku sheegaan inuu gabay geela ah ku qaatay.

Ciise Demesh wuu saluugay go'aankaas isagoo isu arkayey inaan nin ka gabay badani madasha joogin isla markaasuu Salaan ku eedeeyey inuu ka eexday oo nin ay habeen is xigaan uu gabaygii ka siiyey markaasuu tirshey gabay dheer oo ay naga soo gaartey;

Manfac qaadayaa iyo tolnimo midigta saaryaaba
Meel buu Salaan iiga dhacay magan Ilaahay'e.

 

 




 

  More

  More

  More

  More

  More

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Copyright © 2000 - 2009, Hoygasuugaanta.com