Kagase daran Daarood ku xaar dayrta maanta ahe
Hays dul yaalo meeydkoodu waa doqon abaalkeede

 |   Home  |  Gabayo Maqal Abwaan  |  Halqabsi  |  Halxiraale  |  Sheekooyin  |  Siyaasad  |











 
 
 
 

Ciise Demesh
Gabayadan qubanaha ahi waxay naga soo gaadheen murtidii Ciise Demesh (Alla ha u naxariistee), fadlan noo   soo tebi waxaad gabayo ka hayso abwaankan;


Hadii anan qabiil adag ka dhalan qar iyo buur oodan
ama aanan qolo sheeganayn qabata liishaanka
qumaati umaan tiriyeen tixihii qarada waynaaye
qushina uma hadleen maalintuu qoonsimaad dhaco'e

===============
xaaraama cunihii tegay ee lays tix gelin waayay
togdheer buu fadhiyey geelayagu taagi lebi boose
tuuraha nugaaleedna woow tooxanaan jiraye
halka udubka lagu teediyey ee uu adhigu taan dheeyey
togay ku halowdee horay uga tamuuntaaye
Maadhiinka loo teediyaa u taagan qaylada e
tuuguna ma xadin geelayaga temeshlihiisiiye
waa tiro badnaayeen lafaa tuuranaa bariye
Ragba taharihiisii tukiyo toosiyaa cunaye
Miyaa aniga lay tudhay ninkii taag yaraa dhimaye
===============
Geelii hagoogane markii lasoo qaadayna, nin Ciisa Muuse ah ayaa gabay tiriyey
waar ilayn dawaco geel soo heshaa heesta kama dayso

Ciise Demeshna waxa jawaabtiisii ka mid ahayd;

daayeer haraad kuma galoiyo, hawdka geela lehe
Haaamaha ma dhaansado, intuu huriyo duullaane
Maxaa heesta kaa galay, raagii soo helaa wadaye

===============
Aduun doono waataan u tegay oodda faransiise
waan lay idmine xoolo way iman lahaayeene
iridayba uga soo galaan nin u ayaan roone
albaabkaan garaacba wuuu igu adkaadaaye
awayse ma laha naaguhu hadaan uurku buuxsamine
ilowshiinyahay dheeryihiin uumiyaa kale

 
 
     
Copyright 2000 - 2002  HoygaSuugaanta.com