Q O R A A L

 

 

 

 

 

 

 

 Daauud Xaaji Baabuur

Habar Jeclo  

Somali Poetry

Waa gabay abwaanka da'da yar ee Daauud Xaaji Baabuur u tirshey maamulka Puntland oo uu waxyaabo badan ku dhaliilayo.

  1. Burtinliyo Garoowiyo ragaa Eyl ku bahaloobay
  2. Boosaaso nimankaa fadhiya bariga sii jeeda
  3. Budhcadiyo kuwaa daydaynimo baaqi ku ahaaday
  4. Butilaan kuwaa sheegta ee hadalka buunbuunsha
  5. Beeshaa Majeerteeniyaan baaq u dirayaaye
  6. Sida aan bishii hore maqlee biibisidu sheegtay
  7. Buuhoodle anaga leh bay hadal ku baahsheene
  8. Badhan iyo Sanaag bay dheheen waa badhnoo maqane
  9. bal dhegaysta sheekadan dadyohow bixiso waayaabe
  10. Badaw baa qabiil iyo ku nool sheeko baraleeye
  11. Beentiyo is waalwaalku waa bororogtiiniiye
  12. Bah kuwaad wadaagteen cidlaaad kaga boqooshene
  13. Mareexaan daraadiin u baydh waanu kaa baxaye.
  14. Waatay ku biireen hawiye boqoradoodiiye.
  15. Beri hore isagu Laylkasaa buubayoo tegaye.
  16. Beritana dashiishaa la yidhi way baxsanayaane.
  17. Warsangeli bartoodaad iyaga ugu badheedheene.
  18. Atam baa badbaadshaye waqaad bi'in lahaydeene
  19. Ugaadhyahan sidii loo bahdilay buug dhan baa qoraye.
  20. Waataad badheedh ula dhacdeen bagac rasaaseede
  21. Barbaartooda waataad hadh galay wada birayseene.
  22. Baqdin bay la joogaan Taleex waanad barateene
  23. Ugaasyada badhkiisaad hadeer baad ka gurataane
  24. Berkedaa ka qodateen dhulkay beri lahaayeene
  25. Arrarsame bilaawihi ku dhacay boogti wuu qabaye
  26. Boqolaha Ogaadeen markaad biic ku gadanaysay
  27. Bisnis baad tolkiin dhaafsateen beeso lacageede
  28. berigay xoroobaan iyana wayska bogayaane
  29. Bii'emkiyo gantalaha ridada ganaya baaruuda.
  30. Beebeega haadiyo dayacan ama Baroonkiiba
  31. Birwaynoow markaan taangigii bawda kagasaraay
  32. Meleteriga boodiyo markaan baalcas wada keenay,
  33. Waataan la beegsaday xadkii Kaana baacsadaye.
  34. Bartii uu gumaystuhu cayimay baradi uu sheegay
  35. Boocame dusheediyo higlada beerta Cali muuse
  36. Buundada Garoowaan ku tegay baawariyo xooge.
  37. Waydinkii  Baryootamay sidii Bacawda jiiroode
  38. Is banbaansha yaydaan u bixin baaxad sooraha'e



 

M A Q A L

  More

  More

  More

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Copyright ©2002, Hoygasuugaanta.com