SUUGAANTA    
 |   Home  |  GabayoMaqalAbwaan  |  Halqabsi  |  Halxiraale  |  Sheekooyin  |  Siyaasad  |










 
 
 
 
  GUBA

CALI AADAN (Dhulmahante)

Cali Dhuux waxa uu Bilaabay silsiladda Guba ka dib markii hal uu lahaa looga dhaartay ceel ka mid ah ceelasha Dannod.

Doqonkii Ogaadeen ahaa Doollo laga qaadye
Loo diid Dannood iyo hadduu degi lahaa Ciide
Nimanbaa dalkoodiyo xukuma labadi daaroode

Darraatoole iyo Faafanoo wada duraabaaya
Deegaanta haraday ku tiil daaqi mahayaane
Deex kama mareershaan halkay deleb ku beerneyde

Markii duraha jiidaal kacee doogga la idlaysto
Duurkiyo dayada Hawd markay Debec ku soo oonto
Laaski uu ku dalandooli jiray loogu degi waaye

Alla daw guduuddii Wardheer kama durduuraane
Dawadeedu waa Jeerinley uga dul geeraare
Ceelkii biyaha diirranaa looma dawdabo'e

Dixda Qarandi Deeroy Mataan loo dardari waaye
Maantana dukaamaa la dhigay degelki Gaafoowe
Darar kagama maalaan Camuud diiqo iyo xoore

Dixda Raygaleed iyo Gargaar laysu dacareeye
Dayr baaba lagu meeriyoo loo dabbaal degaye
Wardheeroon dagaal xumi ka dhicin dig iyo baaruudi


Doox iyo Doh iyo Faafanna waa soo dalbanayaane
Kuma dalaaqin naagii inaanay dib uga laabmayne
Iiddoorku siduu damacsanaa loo diyaafadiye

Hadba dunida duul baw kacoo diin la soo shira'e
Dar Illaahay uun baa xaggiis looga soo diraye
Sow sida Darwiishkii Isaaq duub cad uma qaadan

Makaahiilku doy uguma kicin degeya Hiiraane
Daacuunku meeshuu ku leyn uma dalluumeene
Daal iyo hadhuudh kuma cuneen degelki Haarweyne

Habar-Yoonis bay uga durkeen degeladoodiiye
Dullinimo inay qaayibeen waxaw daliilkiiya
Dadba weli ma arag Reer-Subeyr duul ka soo baxaye

Dooyiyo dabriyo weerar iyo malaha duullaane
Ninnaba uunka kama dawladsana Dir iyo Daaroode
Ilaah baa dabkoodiyo sandahay danabadoodiiye
Dadka uguma liitaane wey diriri waayeene
Afartaa sidii dalab la riday maysu daba joojay
Da'daan kaga bilaabiyo miyaan deelki ka habawshay
Ma dalleeyay deelqaafku waa kaa dilaa gabaye
Dacwad kalana waa Reer Xirsiga halan dareensiiyay

Dadka waa la wada laynayee waw darreydeene
Dubbihii ku dhacay Bihina Cali doogta weli haysa
Waa waxay la dabandeebayaan daqarradeediiye


Waxay dalagga beeraha la qodon waa dagaagnimo'e
Damal Aboodi Dayr iyo Afmeer dixida Gaaroodi
Reerahoodu maantay degeen daawo lagu boobye

Sidii galab dawaar loogu rogay Delab ma maalaane
Ina Raabbi waa tii la dilay waana Reer-Dalale
Dumar kuma sagootiyin kuwii dahay Ugaaskiiye

Dan baa tidhiye lama duudsiyeen Dirirki dheeraaye
Aniguba dubkaan uga nixiyo diirka oogada'e
Ma damqodo'e kii dad ugu xigay waa durduriyaaye

Ilamo Dacarba duul bay indhaha dumuq ka siiyeene
Nimankii walaalkood durqumay kama dambaysiine
Degdegsiinyo waa tay ciyoon duqaq u laayeene

Nimaan aabbihiis danabyo dhalin looma duurxulo'e
Dibbaa looga yaabiye iyo inuu kaaga sii daro'e
Dagaalkii killaas ugama rayn duulki Reer Shalace

Dunta boqorka nimankii sitee duubi jiray shaalka
anse kulay duraan waxbana yaanay dillin doorarna u layne
Geerida Hurahan diidayey dereja dhaamaane

Afartaas sidii dalab la riday maysku daba joojay
Da'dii aan ka qaadiyo miyaan deelki ka habawshay
Ma dalleeyay deelqaafku waa kaa dilaa gabaye
Dacwad kalana waa aniga iyo dan iska sheegayga


Maansadan dad yuu qoonsannuu diradiraw qaadan
Diin runa dalliilkii sharciga yaan ka daabacaye
Denbi inaanu iga raacihayn daacaddaa furiye

Daahyaale geelii la helay waakan dayr dhalaye
Duudweyn ma jiro Haamo iyo Daba Cadaadeede
Derrinkii afkii Daadmareen kama dareershaane

Dahab waatan iyo qaalmihii deyrcadka ahaaye
Dalba quruxsanleeyeey ma foga dalawadiiniiye
Danbarkiisu waydiin uraa waana dabataane

Iyadoo dildilihii bishiyo dacashi haaneedleh
Oo wada dunuunucahayuu idin dul joogaaye
Dubuxbaaba lagu sii wadaa iyo dararki Baarjeexe

Afartaas sidii dalab la riday maysku daba joojay
Da'dii aan ka qaadiyo miyaan deelki ka habawshay
Ma dalleeyay deelqaafku waa kaa dilaa gabaye
Dacwad kalana waa aniga iyo duun u hadalkayga

Nabsigu waa daruuraa cirkiyo sida daruureede
Dersinkii wax qaatuu la' yahay deynki godobeede
Daairadu maantay waddaa duulashii galaye

Xaqa dagugmay duunyada la dhacay dumarka ooyaya
Naagaha ilmada duugayey diilalyadu hayso
Daaimo hadaydaan ahayn dagan xaqiiniiye

dagaal waan jeclaa xaajo aad dib ugu aydaane
Doqon yahay ka kaca meeshanaad dacayda laalaadin

 
 
 
     
Copyright 2000 - 2002  HoygaSuugaanta.com