SUUGAANTA    
 |   Home  |  GabayoMaqalAbwaan  |  Halqabsi  |  Halxiraale  |  Sheekooyin  |  Siyaasad  |










 
 
 
 
  Guba

Cali Dhuux Aadan, "Dhulmahante"

Gabaygan waxa Cali Huux ugu jawaabay Qamaan Bulxan oo uu tusaalaynayo inuu garab maray ujeedadii gabaygiisii uu guba ku bilaabay.

Dhankaan ka hadlay waa kaa Qamaan dhaafay hadalkiiye
Dhexirka hayska gooyaan lahaa dhuuga loo xiraye
Haddii dhaxal adoogaa la cuno waad dhadhamisaaye
Waxan cunaha ii dhaafin iyo dhaarshilbaa jirae

Naagahaan dhankii loo rogiyo dhinacna diideyne
Dhedigaanshahaa lagu arkiyo dhiigga caadada'e
Haddaanay dhiilka caana ah lahayn laguma dhateene
Wax ka dhigan gobtii dhawrsateen ceeb ka diidhiyine

Dhirfalbuu Isaaq marin intuu dhaco ogaadeene
Karuur dhuumay dhaydana ka jecel oo ay dhamaayaane
Dhoobada Hargeysiyo Berbera waa dhito u taale
Dharka kama macaashaan hadday dhuunta jarayaane

Waa Dhega la' yahay reer Subeer dhoohan weligiiye
Dhibta gaadha waa moog yihiin iyo dhaliishoode
Anuunbaa Dhalaalinahayee dhiiran mahayaane
Intan dhalasho waa yaab qabtaa dhabugu soo ooyey

Dhaladuu wax iga saaray culus dhebelna ii raacye
Dhudhunna waaba ii sheegtayoo dhiilannay geliye
Dhawaqayga kuma faarixine waa ka dhiidhiyaye
Waayeelka dhaylada sitee dhawrta ku ilaasha

kuwaa Dhabada soo xiranayeen dhuuni kale haysan
Oo dhararka jeexjeexan qaba waa la dhalateene
Dhafoorkaa ma yesheen har galay dhogor xumantase

Dhoobada intay raranayaan dhaayin laga keenay
Dharka lagu qasaasha intay dhebel u daadshaana
Ragbaa caanahaa dhami jirteen dhiil u qoorsadaye

Afartaasi waa dhaabad gabay iyo dhaxtaalkiise
Hadallo dhagaxyo waaweyn ka culus waa dhugsiin jiraye
Maansada dheh uun lama yadhee waygu soo dhacaye
Dhudaheeda layskuma qabtee dhibic kalaan baanay

Dhinacayga maan saari karo dhuxulo naareede
Goormaan ragbaa kaa dhergaye dhidibka kuu qaday
Dhaawacu ninkuu ku cusub yahay dhiiga farahiisu
Oo shalayto kaa dhaansadaa dhoorre kula yaalle

Waakaa xeryaa looga dhigay dhogor idiinleeye
Dhaqaalaynna mayside naftaad kala dharroocdeene
Libintiinnu maantay dhawdahay kuma dhaqaaqdaane
Car ku dhaca haddaad dhalad tahood dhuubka boqor hayso

Afartaasi waa dhaabad gabay iyo dhaxtaalkiise
Hadallo dhagaxyo waaweyn ka culus waa dhugsiin jiraye
Maansada dheh uun lama yahdee waygu soo dhacaye
Dhudaheeda layskuma qabtee dhibic kalaan baanay

Ugaas Magan dhawaaq kuma jiroo dhimay warkisiiye
Bal dhexmariya reer Webi inuu dhaamo Ba Xawaadle
Cabdulla Aadankii dhaadan jirey dhabu ogeysiiye
Uga dhoofsha dhidib Muuse Khalaf oo dhabta u saara

Cawlyahankan dhaantaynayiyo Dhugadna gaadhsiiya
Isaxaaqa dhoobtisi haray dhebedda loo diidye
Nimankii ku dhabannaanin jirey dhuub ka oogsade'e
Dhirbaaxoyinkii soo ceshiyo dhabar jabkiinniiye

Waataa hablaha Ciise Dhamal dhiraha laayeene
Kacoo dhidibka rida waa intood dhimanba weydaane
Dhanbaal lalama yaaciyo waraaq sida dhabiileede
Oo dhagaxan qaad iyo adeeg gaaladaa dhihiye

Raacdadu hadday kaa dhab tahay dhebi dagaalkeedu
Adoo dhididsanbaa loo ridaa dhamac rasaaseede
Raggaan dhiriyey waakaa dhacsaday dhudiyo Heemaale
Qammaan dhugo dhankaagaa tolkaa looga soo dhacaye.

 
 
 
     
Copyright 2000 - 2002  HoygaSuugaanta.com