Q O R A A L

 

 

 

 

 

 

 

 Ducaale Guuleed

  HY- Muuse Ismaaciil

Somali Poetry

Gabayga soo socda waxuu Ducaale uga jawaabayey gabay uu tiriyey nin Dhulbahante ah oo la odhan jirey Nuur Xiddig oo aan xaga dambe ku soo sheegi doono.

Waxuu Ducaale yidhi :

Kobta Madarre iyo baad lahayd, Karimo Awryaale
Ninna kaama kiciyeen haddaad, kadabsanaysaane
Kugta dhiiga kaa saran ayaa, koorta kaa lulaye
Karammaan adaa sii socdiyo, meeshi kululayde
Keenada adoo lagugu wado, in Kablow kaalay
Waa lagu kabaallaynayaa ina Kablow kaalay!



Ninka la odhan jirey Nuur xiddig ayaa maalin maalmaha ka mid ah yimid ceel ay ka cabbayaan xoolihii qoyskiisu. waxuu kala garan waayey wiilashiisii, ilmaadeeradiis iyo kuway dhaleen. Waxuu la yaabay fara badnidooda iyo xoolaha ay waraabinayaan xaddigooda. Wuu is cajebiyey markaasuu maalintii dambe shir u qabtay Wuxuu yidhi "innagoo tiradaas faraha badan leh side dalka cid kale ugu noolaataa. Waa inaynnu guurnaa oo dagaal ku qaadno isaaqan kibrey"

Wixii uu ku taamayey maal iyo dad Waxaa helay abaartii Dhuuglaho la odhan jirey iyo dagaalkii Daraawiishta oo gam ka siisay. Waa sanadka Dhulbahante jabayoo intii soo hadhay ay ka hadheen wixii Isaaq u galay iyagoo qaxootii iyo barakac ku dhacay. Waa sanadka la odhan jirey markii maxastoodii isaaq u gashay: "Naago dhaadheer oo Dhulbahante ah yaa dhulkii yimid"

Nuur xidig markuu is cajebiyey waxuu yidhi:

Dhalinyaro karuurkaa ka badan, kalama dheelmooyin
Haddaan kaalintii iyo fardii, kala aqoon waayey
Sideebaa shisheeye u kibraa aniga oo kiilan !
Hadaan reer Sanaag kala kawerin ina Kablaan sheegtay (1)



Markii dhuuglaho dhacday oo col iyo abaar lagu saliday Dhulbahante ayaa nasiibkiisa waxaa Nuur u baxsaday afar caruur ah, Xaaskii iyo laba geenyo wuxuuna dib ugu soo noqday Bari. Waxuu haybiyey Ducaale Guuleed oo ay ilma-abti isu ahaayeen waana ninkay isu gabyayeen. Goor fiid ah ayuu isasoo taagey duleedkii gurigii Ducaale. Ducaale markuu maqlay sanqadhii ayuu yidhi:

"War waa kuma? "

"Waa kaad u yeedhay" Nuur baa ugu jawaabey. Ducaale intuu yaabay ayuu ood-rogadii ka rogey , Markuu fadhiisiyey oo sooryeeyey ayuu Ducaale ku yidhi : "Oo waad raagteye!" Nuur waxuu ka baqay inuu Ducaale u gabyo markaasu uga horreeyey oo mariyey tixaha soo socda :

Wax dhaaxaan aqal daar ka weyn, soo dingiigsadeye
Wax dhaaxaan adhi daad ka badan, soo dabbaal idhiye
Wax dhaaxaanba dowdabey hashii, dacasha dheerayde
Caawana darbada Eebbahay waw dul-leeyahaye
Dugga miyaan ku soo xidhay adduun laba darmaanood ah !


(1) Waa midgaan la yiiley NuurXidig

______________________________

Waxa ku deeqay: Jaamac Cabdi Muuse (jamamuse@hotmail.com)

 


M A Q A L

  More

  More

  More

 

 

Copyright ©2002, Hoygasuugaanta.com