|   Home  |  GabayoMaqalAbwaan  |  Halqabsi  |  Halxiraale  |  Sheekooyin  |  Siyaasad  |

 
Ridada Ciidagale
Ilmihii Fircoon
Dhurwaale
Itaal dirir
Naftii Hafar
Innagaa qummane
Qawdhan& Farah I
Qawdhan& Farah II
 










 
 
 
Farah N/Qawdhan

PART I


Collaadda sokeeye ee maanta ka aloosan Somalia waa mid ab-soo-jireen ah oo aynu ka dhaxalnay awoowayaasheen. Beelo ood iyo abba wadaaga ayaa waa colloobay oo shaydaan ka dhex shaqeeyey mashaqooyin badanina ku kala dhex dhaceen. Qawdhan Ducaale oo deegaanka uu u dhashay ka maqnaa ayaa loo sheegay dagaal ka dhex qarxay beelaha Arab iyo Ciidagale oo uu sida warka loogu sheegay maalintaas Arabka lagaga bursaday. Qawdhan oo mashaqadan soo korodhay ka hadlaya kuna taamaya in ooddiisu libbaysatay ayaa bilaabay loollanka maanso ee isaga iyo Faarax Nuur dhexmaray. Wuxu yidhi Qawdhan
  Waa taan ka jaamidey beryahan gabay jarayntiiye
Jiilaalladii baan ka dhigay jir an irmaanayne
Xaluunbaa jaleelado la ridey jali cusbeeyeene

Janna-hele Cismaanoow tixdaan xalay ku soo jeeday
Sidii Johorad noo timi warkii jaahayaga nuuray
Jufnadaan? ka baalidey xalay jiibti kama seexan

Jawaab waxan u naqay uumiyaha nagu jalaadaaya
Jawaab kalana waa maansadan jilay xisaabteeda

Jawaab waxan u naqay uumiyaha nagu jalaadaaya
Jarka boodhley reer Sugullihii joogey lagu laaye
jaarkii Burciyo laysla waa jinawgi Beereede

Raggii Faraska juuna u lahaa kama jareeyaane
Jeeraaradii baa Nugaal juudigii go'aye
Jaanqii ka madhay Keenadiid jaraygay baaneene

Jurmadoobahaa reer Qayaad Jabad ma buuxshaane
Jibsin reer Barkadi, Cali Geri bay jibo ku laayeene
Reer Samatar Jidhidii Afmeer kama jilbaystaane

Reer Nuux ma kala joogsannine waa jidiid dhabahe
Waatay ku kala jeel baxeen Juuba lays daraye
Jamaliyana qaar baa is dilay jillibadeediye

Wax Jabouti roobku dhex maray dhulu la jiitaaye
Ma jeclayn kuwii Adari weyn joogey galabtiiye
Dadkaba niman Waraabuu jug siin jiinka laga waaye
Jir ba maaha geerida Isaaq nagu jidhaystaaye

Jawaabtaa waxan u naqay uumiyii nagu jalaadaayey
Jawaab kalena waa maansadaan jilay xisaabteeda
Ma jameecadaa laga guntaday waa jihaad dhabahe

Senge jookh leh heensaha miyaa jiidhka lagu taagey
Ma raggaan jareexaynayey baa jiifka ledi waayey
Ma jibboodey reer Ciisihii Jemelku caayaayey

Juqda Dhadi miyaa loogu tegey jaahillada guurey
Maarrihi u la jiifsaday miyaa jaaha lagu diiray
Durba jooflihii Arab miyaa faras la jiidhsiiyey

Jab ma moodey awrtii daruur bari ka soo jeedda
Jaraad laguma faanee Ayaxa jeex ma le'ekaannay
Meeshiyo Jaleeliyo Horo, yaa jaanta loo simaye

Waxba yaan dagaalkii ku jirin jiidhay nimankiiye
Waxba yaanan Rooblena ku jerin jiifad erigiiye
kol hadday Jigjiga haybsadeen jimicyo ii qoorray

Maantaba Jirdii loo dhisay iyo juuci loo celiye
Suldaankii la jaakirey haddii laga Jawaab qaatay
Jaraha dhiga Jirkuba waa ridaa jalaw kaliileede


Jawaabtii Faarax Nuur

Faarax Nuur wuxuu ahaa nin ilaah yaqaan ah oo aan daandaansiga aqoon balse markii uu gef iyo gardarro dareemo gaalleef-tiisa soofaysta.
Faarax oo u jawaabaya Qawdhan Ducaale wuxu yidhi;

Nairoobi inan joogsaday oo jiitay la i moodye
Ragga gabayga arar jiidayaa haw jimimiceene
Anba waw jawaab celin ninkay jibo ka yeeshaane

Wallaahaan jaliilado la dhici jibin ka waaweyne
Hadba juhulo ii soo baxdoo jar iska xooraaya
Jalfadaan ilkaha kala dhacaa oo Jiidhi geliyaaye

Dadka hadalku waa kala jiraa juunahaan nahaye
Aniyo jaallahay baa naqaan jagada waaweyne
Hadba johorad iga soo baxdaa lagu jalbeebtaaye

Jidhaab aamu kii juuqyidhoow jootan baan ahaye
Adiyo aabbahaa lagu jejebi Jamici Naareede
Jannadii Raxmaan iyo ka qada jaahi Nebigiiye..(NNKH)

Aakhiro halkii Juuc ah iyo Jeelka lagu geeye
Jahannama tagaay faanka sow lagama jeel beelo
Jufka Bari haddaad noogu timi jiir ma kugu taagnay

Meeshiyo Jaleeliyo Horo yaad jimicsan weydeene
Idinkoo jirraban xoolihii ma idin jiidhsiinnay
Sideed jiib isaga soo hesheed xalay u soo jeeddey

Bal jeeskiinna eeg mee ragaad Jalanqo moodeysey
Goortay qardhaasaha jareen jagacdi yeedheysey
Jabayeeyda naagaha qalbiga maydin kala jeexnay
Jab la moodye Awrkii maxaa jarana kuu laabay

Suldaankii la jaakimay hadmaa laga jawaab qaatay
Goortaan jilbaha kuu dhigay een Jaraha kuu raacay
Waxa JOOF leh gool iyo ninkii joomihii cunaye
Jiidhka igu yaal waa raggaan jarayey waagiiye.
 
 
     
Copyright 2000 - 2002  HoygaSuugaanta.com