Q O R A A L

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

FAARAX NUUR

ARAB

 Gal dad-liqa



Ina Warfaa Suldaanoo Ciidagale, Reer Guuleed ah ayaa waagii Arab & Ciidagale ay colloobeen u gabyey Faarax Nuur. Wiilkaas dhallinyarada ahi isagoo qabiil ahaan iyo qof ahaanba u duraya Faarax ayuu yidhi:


Nabsi gudaya Geydhoow la arag, goor la joogaba e
Guryahaaba lays daba degaa, gu' iyo jiilaale
Halkuu galo guddoonbaa u dhacay, gaama-ruugyada e

Gunta kibirtay waagii horaa, laga gol roonaaye
Inuu Arab garmaamiyo dagaal, gelinba cayn keeno
Iyo inaan geddaydii sankiyo, dhegaha qaar gooyo

Rabboow gaalku muu noo fasax,o guga waxaan yeelo
Guullane iyo Guuleed Suldaan, geesan kala roone
Goodbuu ku dhaqay aabbahay, gaanbiyoow farase

Gadhkaagiyo gadhkiisaa sinnaa, Goodiryahow xumiye
Gal billaawe iyo baad toshaa, galka weysada e
Ganbo lama shaqaystee rugtaa, ginigu noo yaalle

Faarax Nuur oo hadalka wiilka qaadan waayey ayaa u jawaabay ina Warfaa Suldaan oo yidhi:

Abtirsiinadiinnii gurray, oo waa gudboonnahaye
Hadii godobtayada uumiyaha, geedo loo mariyey
Anna maan gufaacada ridoon, gaaddanka u reebo
Gildhigaanka maan liifaddiyo, geliyo baaruudda
Wixii naga gardaran jeedal maan, gawda kaga saaro.

Kob lagu giirtay meel lagu go'ay oy, Geydho ololayso
Gammaankana dhacsiga layska wado, labada geesoodba
Gorgorkuna hilbaha boobayoo, guruxa soo saaray
Weli Arab garmaamaha dagaal, gucummo Aar yeeshay
Oo geylamaayaadan arag, goob awaara lehe
Waxsaad garan gorgor baad tahee, guud-caddaadiga e.

Gal billaawe iyo waan tolaa, galka weysada e
Labaduba garaad-laawe yahow, waa gob shuqulkeede
Guunyadu haddii ay baxdo oo, gugu abaaroobo
Gurboodkaan dhaliyo naagahaan, gego ku deeqaaye

Shir guddiya haddii reer tolkay, gaar isugu meero
Aniga iyo toban loo gartaybaa, guurtidaw baxa e
Oo weliba geeraarka iyo, gabaygu ii dheere
Halkuu nacasku iga gaabiyaan, garan aqoon waayey.

Sidii roob intuu gaax tirsaday, guban ka soo hooray
Ama gaaladii Beerdhiga oo, geydh u diriraysa
Ama Ramad nirgii laga guroo, gubayo oon hayso
Ama Siig dab lala gaadayoo, geli ku rooraaya
Ama Aar intuu goonji cunay, gelaya hawdkiisa
Ama Micis godkii lagu shidoo, gebi ka yeedhaysa
Ma gam'ee habeenkii hurdada, gawdu waa aniye.

Gadhka malawle Gawdh iyo Tayaag, gurada Xaabaale
Gabaahiirtii duudkeeda weyn, sii galgalanaysey
Gumburkii Abaarso iyo Wadne iyo, guban intii eegta
Galgalaha Jaleelo iyo Hallaye, Gaafka Dararweyne
Guntiga Shiisha, meesha iyo Guguc, gacan Dhariiryaale
Halka dhamasku hoos ugu go'o, iyo harada gaagaabaan
Niman baa gadaaman oo intaa, gaadh ku meersadaye
Guga dhaw ha laga soo raree, qaalimmo u geeya
Haddii kalese goolaaftankiyo, guuxa naga daaya.


Faarax intuu gabaygii ku noqday ayuu Wiilkii guhaamay isagoo isaga soo dhigay Libaax. Gabayaagu waa afku-leeblaa la yidhiyee siduu Faarax Alle weydiistay ayey noqotay oo ninkii libaax baa habeen madow qaatay.

Gal-dad-liqa ul baa lagu dayaa, laga danbeeyaaye
Weligiinba ceel dawlis leh yaad, dalaq tidhaahdaane
Dubbo lagu mergado Reer Aftaag, waa dig siin jiraye
Dirkii kula dhashiyo aabahaa, kuguma daayeene

Malaha mid uu Warfaa dayriyey oo, daahan baa tahaye
Aarkii daboolaan ahay oon, dibbedda joogayne
Duddada geela wiilkaan sidii, dawri kala boodi
Ama dooy yaxaas uga dhacaa, waa dad aakhiro e.



 

 

 

 

 

 

 

 

 

M A Q A L

  More

  More

  More

  More

  More

  More

  More

  More

  More

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Copyright ©2008, Hoygasuugaanta.com