More

  More

  More

  More

  More

 

 

 

 

 

 

 

Jaamac Axmed Jaamac "Gacmadheere"
HJ, Reer Yoonis "Wacad", 1954



Waa colaaddii horraantii 1954kii ka dhex aloosantay beelo walaalaha ah ee HJ &HY. Waqtigaas waxaa dagaal xooglihi ka dhex aloosnaa HabarJeclo iyo Dhulbahante. Colaadaas HJ galbeed iyo Bari kaga furantay waxa ka gabyey dhawr nin oo
ay ka mid ahaayeen Maxamuud Daalin, Yawle, iyo Max'd Cali fadal. Colaadda galbeedka ka socotey waxaa markii hore rag doora laga laayey HJ Galbeed oo la galaaftay niman uu ka mid yahay Max'd Cali fadal. Cabdi gahayr baa gabay
soo mariyey uu ku lee yahay.

Dabbaal nimaan aqoon Ceel dadliqi waa dig siin jiraye
Maantana Dugaaggii miyaa Dacawadii laayey


iyo gabay kale oo ay naga soo gaadhey

Waxarii ma Habar Yoonisbaa kaga wiqiiq siisay
Waraabii Xalxaliseed miyaa weydi ku harraaday.


Jaamac wuxu yidhi waxan u imi Maxamuud Daallin oo idhi ninkaa Ciidagale ee Hiilku innoo keenay maad u gabaydid. Maxamuud Daallin oo isagu Colaadda Bariga ka gabyey
way la noqon weydey inuu walaalihiis u gabyo sidaa darteed buu u diidey inuu Cabdi Gahayr uga jawaabo gabayga. Gacmadheere ayaa markaa tirshey dhawr tixood oo uu Cabdi Gahayr gabaygiisii kaga jawaabayo oo uu ka mid yahay kan soo socda.

Allaylehe waxyeelluu taraa, wacad la diidaaye
Nimankii waftiga loo diree, weger ku dhaafaayey
Waayeelku nimankuu colaad, waafaq ku ahaaday
Iyagaan wareer qabin kuwii, wig iska siinaayey
Wanaag lagama helin reerahay, wayda ku hayeene
Wedkoodbaa ku galay ceebna, waa miday ku waaraane

Waagoo dilaacay bay degmada, weerar xuliyeene
Qoraxdoo waxoogaa baxday, bay wegen dareersheene
Ba-Xabuushu West-i iyo Bari, waayir baw xidhane
Wuuw-dii horeetay lag-Miya, kala wareejeene
Ma walaaco geesiga sitaa, waranka guuleede
Iyagoo cabbaar sii waday, oo weli la sii muuqda

Ku wigleysey raacdadu shallaad, sida wadaadkiiye
Wejigoodu nama hayn karo e, Woob ka fududaaye
Goortii la waabshey bey baqaha, wagac ka siiyeene
Waabeeyadii loo milay baa, wiish u soo lulaye
Isagoo walhinayuu sidii, weedh u soo qubaye
Wajaq bay ku soo wada galeen, waracyadoodiiye

Waakaa Waraabii feddeda, Weyl cad loogsadaye
Annagu weyd ma siinee baruur, wabaxsey dhawr goore
La waraar gel Coomaaddihii, waabka yuururaye
Waqbaynuu ka dhacay reer Xuseen, waax dhanbaa go’ane
Reer Cawl sidii loo wedderey, waa wakinayaane
Wiilkii u geeraari jirey, iyo waaye Yawlana’e
Waqti qaate reer Sugullihii, kibirka waallaaye

Wiyeer kama cabbaan ceelashay, walacsanaayeene
Wadaamii ka fure dawliskii, wiiqda hayn jiraye
Wixii dhaan la waandaabin jirey, weel ma fuliyaane
Weydaarte farantii burciyo, weedhi gubaddoode
Waddankaad ogeyd Beeratay, sii willanayaane
Wagar goosankii degi jiriyo, wananki mooyaane
Waa wiiqan Habar Yoonistii, magaca weyneyde.

Waatuu wadwaday Ciidagale, war iyo maahmaahe
Ay gabayga weriyeen dilkoon, cidi is weydiine
Iminkaa waraaq loogu diray, Wiig intii lumaye
Haddii uu walaalkii ahaa, wadhan Ismaaciile
Maantaba wax haw taro hadday, wehel u baahdeene
Hana waraabsho maatada Gahayr weerka la ag joogta.

 



 

 

 

  More

  More

  More

  More

  More

 

 

 

 

 

 

Copyright ©2008, Hoygasuugaanta.com