More

  More

  More

  More

  More

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Jaamac Axmed Jaamac "Gacmadheere"
HJ, Reer Yoonis "W A A N O"





Gabaygan xeesha dheer wuxu Jaamac tirshey xilli ku aaddan 1965kii. Waa gabay waano iyo waxsheeg ah oo ku jeeda dawlad iyo shicibba;

Faduul gabaygu iigama tagiyo, faan ku socodsiiye
Meel ay ka fiigtey baan sidii, Fiqi istaagaaye
An fasiro murtida fiican waad iga filayseene.
Fadkoo hooray roobkoo arliga, lagu fillaysiiyey
Dhirtoo faraqle, geedaha dhulko, firidhku soo yaacay
Daadkoo fatahay, Jeexyadoo, farawgu dhaabmaayo

Fannigii kastaba xoolahoo, fiito ku ekaaday
Faraskiyo, Lo'diyo Geela, iyo Adhiga kuu foofa
Lacag foonsan, daar Fooqyo leh, oo Foom ku soconaayo
Anigana Falaagga oo qudhaa, iiga farax weyne
Waxaan faraca diimeed ahayn, igala fiicnaaye
Ninkii front-ka galayoow, wixii kugu habboon fiiri

Kii lagaga Fawsoow, waxaad filatay haw qaylin
Kii meel fadhiistoow shicbiga, ha iska fiindhaynin
Kii fuudhadh yeeshoow inaad, furatay hays moodin
Kii Jago Fakaansiya heloow, hays fad-qalalaynin
Kaan nagu fillaynoow, adoo dhacay ku sii faasho
Nin adduunki fara leeyahoow, feebarka ha diidin

Nin Faqiirahoow sabir, Ilaah ferejki baa dhaw'e
Nin Furaash ku seexdoow nabsiga, ha isu fududaynin
Nin qabiil ku faanoow kan kale ficilka haw muujin.
Nin faseexiyoow hadal, markaad farac u doodayso
Nin fidmow guntadayoow arrini, filiqtankaa maaha
Nin walaalki faallaynayoow yay fashilin taadu.

Ninkii laga fajacayoow, waxaad fali lahayd jooji
Milateriga Force-ka u baxoow, ficilka nooleeya
Fadhadhlaa Police-kow ka dega faraska leeddaa ah.
Fad hadduu onkodo reer miyoow, haysku fara saarin
Nimanyohow Tijaarada furtaa, yuu fasidin iibku
Fiqigiyo wadaadkoow ka taga, faq iyo laaluushka.

Odayada Shaxda u fooraroow, foodda kor u qaada
Hablayohow maryaha Fooddadiyo, faydashada jooja
Innamada filkiinnaa danboowna, fiid-baxsiga daaya.
Diintaa Furqaan iyo wixii, Farad ah xoog yeela
Fadlibaa Ilaah laga helaa, fala midkii khayr ah
Fadxi baa innoo soo socdee farax ku naallooda
.





 



 

 

 

  More

  More

  More

  More

  More

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Copyright ©2008, Hoygasuugaanta.com