More

  More

  More

  More

  More

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Jaamac Axmed Jaamac "Gacmadheere" (1922 -2004)
HJ, Reer Yoonis "Ballan"  - 1961




Inqilaabkii Saraakiishii Woqooyigu isku dayeen sannadkii 1961kiiii ayaa abwaanku ka gabyey. Laba nin oo Saraakiisha boliiska ah baa u yimid Jaamac oo xabsiga dhigay iyadoo loo geystey jidh-dil iyo hanjabaad.

In yaroo shacbiga beerayiyo, Boqol nin mooyaane
Nimanyohow Boliis eedda, waw beretameysaane
Wax Barmoosin lagu doonayaa, baanisiyo maage

Hadba kii ba'naanta u kacaad, ugu bogaysaane
Baarlamaanka laga qayliyaad, baydh dul mariseene
Bustaa lagu dedaayiyo gacmaha, biica lagu gooyey

Hadba kii isugu baaqayaad, booca jebisaane
Berrito iyo shaliyo maanta, midba waa baabe
Waagii beryaba kii horaad, barasha dhaantaaye

Midabkaa Balaagay (black) hodee, kuma bariidsheene
Idinkiyo Biriiddaaniya, baa beel isku ahaaye
Biite iyo ninkii James baad, bah isku raacdeene

Qoladaan beddelay baad tihiin, baaqigii hadhaye
Billaddiyo garoomaha ku tolan, baaddilkiyo guudka
Baaburka Land-Roofalka ah, ee baaska kugu dhaafa
Bangalooyinkaa lagu gam'iyo, beerta ku hor taalla

Berkaddiyo biyaha shalalaxliyo, baatka lagu maydho
Beelkiyo direyska iyo hubkaad, bilicda yaabayso
Calankaa Buluug doogada, ee biligle guudkayga
Anigaa Bardaladdaas tabcee, hayska kay burinne.

Nimankaa bursiimada Libaax, badh iyo waax siiyey
Booskii yimaaddaba kuwaan, ugu bushaareeyey
Hadduunbay budhkiyo ii sitaan, baalcaddow Warane

Anigoo bukaan qaba ninkii, badhaxa ii keenay
Iyo kii i baal maray intuu, bagana ii raacshey
Iyo kaan ba'naan ii lahaan, Bawladna i siinnin
Haddii aan bogsado maalintaan, bogi abaalkooda

Ninba Baanka wuxuu sii dhigtuu, kala baxaayaaye
Billaahaan ku dhaartee ragbaan, Bawlad ku lahayne
Ballantaasu goortay ahaanna beri danbaan sheegi.
 

 

  More

  More

  More

  More

  More

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Copyright ©2008, Hoygasuugaanta.com