More

  More

  More

  More

  More

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Jaamac Axmed Jaamac "Gacmadheere" (1922 -2004)
HJ, Reer Yoonis "Riwaayad Ibleys"  - 1960/1961 kii




Gabaygan wuxuu Jaamac tirshey xilli ku beegan 1960kii ama horraantii 1961kii waqtigaas oo Ra'iisal Wasaarihii dalku socdaal tamashle ah ugu kicitimay Italy. Wadanka oo baahi iyo hawlo badan oo maarayntiisa u baahani ay yaallaan ayaa idaacadda Muqdisho sheegtay inuu Ra'iisal Wasaaraha oo la filayey inuu soo laabto uu dib u dhacay oo tamashlihiisii sii wadan doono.

Shisheeyii nagu raagee,
Rubaddaydiyo maalka,
Intuu raaciyadaystay,
Kuwii raas wada joogey,
Magliguu rabinaayee,
Rasaastaysugu dhiibaye,
Ruuxba ruux ku diraayey,
Ee rodol tuurta la saariyo,
Rubbadiiba nus qaatee,
Riciraa adhaxdayda,
Midba goonni u ruugeen,
Aan rinjijiidhsi ka waayey,
Raxmad nooma lahayne,
Roonihii naga saariyo,
Rabbow waa mahaddaa.

Rakibayoo iska dhaafaye,
Markii Raystanku joogay,
Ee sidii raacdiyo heegan,
Laysu Reedhi garoobee,
Rashka laysla dhacaayey,
Daruunbaa ra’yi beeniyo,
Qiyaamooyin ragcaayoo,
Raxrax jeebka ku haystoo,
Rijaal ceebka saliimiyo,
Raxiimbuu isku sheegoo,
Badawgii u riyaaqiyo,
Raaqibkaan wax ogeynbaa,
Lagu raawisanaayey.

Haddaad maanta I raacdoo,
Qoladaa ila riixdo,
Rasiidh baan qorayaa.
Rasmigaan u shaqeeyo,
Cirkaa roob ka darrooriyoo,
Dhulkaa rays ka sinnaan.
Togbaa soo rogmanaaya,
Ramag caano lis geeliyo,
Malab baan ku raqsiinoo,
Dibjirkaa ku rakaadan.

Raqayaa kici waayiyo,
Curyaankaan rug u yeeliyoo,
Raashinbaannu ku siin.
Caruurtaannu rabbaynoo,
Iskuullaannu la raadin.
Xoolahaannu rasaynoo,
Riqiis baannu ku iibin.
Dhamaskaa ruqubtiisaan,
Rabdad qaada ka goyn.
Raydabtaa midha yeelanoo,
Rumaanbaa ka bislaan.
Dhagaxaan ridqayaayoo,
Halkaan riigga ku joojo,
Rubaabi baan ka samayn.
Raxanraadiyo gaajiyo,
Rafaad loo noqon maayo.
Wixii laysku rusheeyey,
Ma hadday is rogeenoo,
Ma run baanay ahaynoo,
Ma riwaayad Ibleysiyo,
Riyaa noo metesheen.

Rakibayoo iska dhaafaye,
Annagoo rasan maantoo,
Badhna gaajo la riiqday,
Badhna sii rafanaayo,
Rakiigoo ku sugayna.
Adna Raysal-Wasaare,
Raqbaddaada la saaray.
Hadba gees an u roonoo,
Beryo roonka wareego.
Shalaan Rooma ka duulay,
Rooyal baa I macsuumay,
Ra’iisbay gacan qaaday,
Raxanbay gelbinaysa,
Odayayla rafiiqa,
Rakadoo iman maayoo,
Retayn baan dib u qaatay.
Anigaydin ruqseeyee,
Raadiyuun iga sheega,
Oo iga raalli ahaada.
Ra’da looxa ku taaliyo,
Rabbi baan kugu dhaarshee,
Rashiidoow hadalkaasi,
Ma midaannu rabnaayoo,
Ragma kaa maqlayaa?

 

 

  More

  More

  More

  More

  More

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Copyright ©2008, Hoygasuugaanta.com