More

  More

  More

  More

  More

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Jaamac Axmed Jaamac "Gacmadheere" (1922 -2004)
HJ, Reer Yoonis "Hallis"  - 1964kii




Gabaygani wuxu ku aaddanaa abaara 1964kii oo ay dalka ka talinayeen dawaladii  musuqmaasuqa oo uu awaanku ku eedaynayo habacsani

 
Geeraar aan u hiloobiyo,
Hiyigeeda xamaasad,
Indhoweyd ma hingaadin,
Ha'dana wowga ku reebban,
Kamaan eegin Hamsaa,
Gabayna waan ka hurdoo,
Kuma aan hindisoonnin,
Hayeeshee afar halbaan,
Microphone-ka aan haystiyo,
Macfalkaan ka hadlaayiyo ,
Shicibkayska horjeeda,
Aan ku haasaawinayaaye,
Hamrashaygu dhegeysta,
Oo ku haloola nadaamka,
Oo ways hortaagan tihiin,
Si aydnaan isu hiifin,
Qunyar haad isu siiya ,
Ama hoos u fadhiista.

Hojiyey oo iska dhaafaye

Senge haybad wanaagsanoo,
Midabkiisa Haldhaa iyo,
Hir caleeni ka laacdiyo,
Daruur hoortay la moodo,
Oo aqalkaaga hortiisa,
Hadhac looga sameeyey,
Aad halkiisaa ku rabbaysay,
Oo habeenkii ka danbeeyey,
Hebellaa lagu laayey ,
Hadalkii ku dhammaadood,
Fadhiyaal hoganaaya,
Isu soo hinqiseenoo,
Badh Jaraa la haleelay,
Badhna Leedda-hidiidood
U hanweyn tahay kaaga oo,
Hubkiisii u dhamaysoo,
Halabsuugu dullaashoo,
Cabbaar sii hardaf siisay,
Ay hilinkaysku arkeenoo,
Sida haadkiyo taarka,
Hawadaa mari waayoon,
Gammaankawgu horraynee,
Magaan haydhmay ahaadoo,
Cidla kaaga haraadood,
Tacabkii hibanayso,
Hawlahaa dabadood,
Heensahood ka xeraysood,
Halo iiba ku doontiyo,
Wax kastaa ha heleene,
Bahalkoodan ka hoyn iyo,
Halis yaa uga dhaw.

Hojiyayoo iska dhaafaye

Hal gadaalisay fiidoo,
Geeleedii ka hadhoo,
Hadaftoo ololaysoo,
Mid kalay huri weydoo,
Ku hirawsato weydoo,
Shan waraabe heleenoo,
Afarteeda halbowle,
Midba meel ku hagaagoo,
Ku hayaayirayaanoo,
Kii lahaa hurdi maayee,
Isagoo ka haleeliyo,
Habeenkiisa ha joogtee,
Haadkoodoo berri muuqdiyo
Halis yaa uga dhow.

Hojiyayoo iska dhaafaye

Awr weynoon hayinoobinoo,
Caruurtaad u hadhaysiyo,
Inaad heeryaba saartiyo,
Haamaa kuu oggolaynoo,
Hagardaama yaqaannoo,
Hawshiisii badatoo,
kala laaya hayaanka.
Iibkiisaad hindisootoo,
Hogshinkaa dadba joogiyo,
Halkaa seyladda keentoo,
Baayiciisa hibaysoo,
Hilibluu la wareegoo,
Kuwa aan hakinayne,
Mindiyaa badan haystee,
Ku haadhaadinaya,
Cismaan aad la heshiisiyo,
Berroo haanka la gooyiyo,
Halis yaa uga dhow.

Hojiyayoo iska dhaafaye

Inan heeggiyo jooggiyo,
Hannaankaa sare fiican,
Oo dhar kuu soo huwatey,
Oo handaraaf u dhaqaaqday,
Oo waa heblaayo Fulaan iyo,
Hogteennaaba ma joogtiyo,
Toloow yaa heli doona,
Hawra-hawraha beena,
Hanfaduu ku yidhaahdo,
Ood haybteedii ku dhaqaaqday,
Oo halka ay u idlaatiyo,
Head-clerk lagu sheegay,
Oo haweeyaay kinsiyeey,
Hodaneey Hindisaaay,
Hibooy faadumo-luuley,
Hooyadeed ugu yeedhay.
Aad hadlisoo damacday,
Oo aabbaheed la heshiisey,
Oo hantigaagi ka geysey,
Habeenkii ka danbeeyeyna,
Qaadigii la hor keenoo,
Weligeedi hibeeyey,
Oo shuhuudkii halka joogo,
Hadalkii labadiinnana,
“Haa” uun laysugu keenay,
Ay qudbaddii u hagaagtoo,
Hablihii gelbinaayey,
Dib u soo hitiqsheenood,
Habeenkaa ka maqnaatay.
Oo hiimsahiimsaha waaga,
Haweenkii is gurteenoo,
Hawshiinuu guntadeenoo,
Aqal aan Gobka hoose,
Ka hareera yaraynood,
Sida heegada mooddo,
Halkaa looga aloosay.
Habna looga cayaaroo,
Hanna-Haybsan galbeediyo,
Hoo-Labeeydu ka yeedhay.


--->>

 
>>>
Aad isu soo hoyateenoo,
Dhallintii ka hobshaysoo,
La haasaaway cabbaar,
Oo waa halkaad la sugaysee,
Cishii haad lagu siiyeyood,
Keligiin ku hadheen.
Oo intii aadan haleelin,
Hijiin waayo shaqeeyiyo,
Hullaab aad ka dareentayoo,
Hammaddii ku xumaatay.
Mar haddaad hantigeeda,
U head-man noqoto,
Hula sheeg iyo faallo,
Horaa looga maraaye,
Sidaa waayo ku haysey.
Oy reerkeedii hanan weydoo,
Aqalkeeda habaaska,
Meel Hayaan degey mooddid,
Markaad Hoyga timaaddana,
Huruuf kuugu dhaqaaqda,
Waxaad hoos ugu sheegtiyo,
Hadalna kaa maqli weydo.
Hindisaa kula jiidhay,
Hubsiinaa u dhinnayde,
Hilinkaad uga baydhiyo,
Inaad hawdhka cunsiisiyo,
Halis yaa uga dhow.

Hojiyayoo iska dhaafaye

Taajir xoolo hayeen ah,
Aan maalin laysku halleeyiyo,
Habeen-sooryo lahayn.
Aanad hiil ka sugeyn,
Hoo-na kuugu fillaynoo,
Adduunkii hawo dhaafshoo,
Kibrad kuula hadlaaya.
Qasnadaa la hilaayiyo,
Hodantiinada maalka,
Rabbi waa hurgufaayoo,
Waa u hawl yar yihiine,
Wax dabayli huf siisiyo,
Habaas buu ka dhigaayoo,
Isagay hodayeene,
In Hanaab laga joojiyo,
Halis yaa uga dhow.

Hojiyayoo iska dhaafaye

Hal madoow nin yaqaanoo,
Ku heeryeysan kitaabboo,
Wadaad Haajira sheegtoo,
Jubbad weyn ku hadaafa.
Dadkana been ku halleeyoo,
Qoladaasi Hallawday,
Inagaa ka hagaagsan,
Hagaabaa ku maraaya.
Maalintaan la hurayne,
Ilaahay la horjoogee,
Kitaabkiisu hadlaayo,
Halawgeeda cadaabtiyo,
Haawiyoo lagu tuuriyo,
Halis yaa uga dhow.

Hojiyayoo iska dhaafaye

Nin harraad iyo gaajo,
Labadiiba hayaanoo,
Ku hareera jiraanoo,
Halac dhoominayaanoo,
Maalintii hadhsan waayoo,
Habeenkii ledi waayey,
Oo hammigiisu shidaayoon
Cidina u hawalayn,
Iyo nin dhergoo hadhac jiifoo,
Sariir dheer ku hurdoo,
Hatigaad iyo dhaar iyo,
Hagardaamo u geystey,
Oo halkiisiiba ku doontay.
Isagaaba halawsane,
Heddiisaanu arkayne,
Belaayaa hud-hudaysoo,
Hargaa loo tumayaaye,
In hiihaada la taabtiyo,
Halis yaa uga dhaw.

Hojiyayoo iska dhaafaye

Odaygii Hunguraan ah,
Ee hagardaamo yaqaan,
Ee hadimeeya dadkii,
Oo hadba meel ka ugaadhta,
Oo shisheeyaa horkacaaya,
Oo habeenkii gudinaaya.
Halqigoo iska eegiyo,
In halgaad lala eegtiyo,
Ummaddoo wada hiiftiyo,
Halis yaa uga dhow.

Hojiyayoo iska dhaafaye

Wasiir aad u hanaysey,
Haybaddii waddankiinna,
Oo taajkiisii huwiseyoo,
Haaneedkiisi u dhiibtayoo,
Nimcadiisa hidiidey.
Aad u hoggaansan tihiinoon,
Isba kuu hawalaynin,
Hanbo uu kugu weecshiyo,
Horaad kuu oggolayne,
Maxaa loo hadlayaa iyo,
Hanjabaad ku daraaya,
Oo kuu higgaadanayoo,
Inuu meel ka heloodiyo,
Dhaxal loo hadhay moodoo,
Tacabkiini ku haysta,
Aan shicibkaysku hagaajine,
Laba heeri ka yeeloo,
Kala haybsanaya,
Amase uu hadafkiisiyo ,
Hannaankeediyo dawlad,
Sida loo hirgeshee ay,
Ku hagaagi karayso,
Kala haadba yihiinoo,
Hayhaataysu jiraan,
Uu qaynuunkii hirdiyo,
Oo taladii ku hafto.
Awel baad u halmaantay,
Oo nin horaanu ahaynoo,
Hubsiinaa u dhinnayde,
Wixii uu hindisaayey,
Isagoo ku hunguubood,
Hadhuudhlaa ku dartaan,
Oo mid kaloo ka hagaagsan,
Halkiisii dhigataaniyo,
Halis yaa uga dhow.


 

 

  More

  More

  More

  More

  More

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Copyright ©2008, Hoygasuugaanta.com