More

  More

  More

  More

  More

 

 

 

Jaamac Axmed Jaamac "Gacmadheere" (1922 -2004)
HJ, Reer Yoonis "Hebed





Jaamac Gacmadheere oo Xiis jooga ayaa nin ay ilmaadeer ahaayeen damcay inuu guursado gabadh uu aad u saluugsanaa. Isagoo gabay ugu dulmaraya iimaha uu ku diiddan yahay gabadha ayuu yidhi:


Xaggayaga hablaha waa ku ceeb, hebedku Nuuroowe
Ma haloosiyaan oo nin geya, kama hor yeedhaane
Hanqalka uma laliyaan intay, hebel yidhaahdaane

Caawaan halkaa imanayaa, kuma heshiiyaane
Heeriga ma meeraan siday, halo ka goosmeene
Heellada badhkeed iyo balwada, uma hiloobaane

Sida haadka uma qayliyaan, hadalka dhaadheere
Ma hagoog la'aadaan haddii ay, Harawo joogaane
Shilin kuma halleeyaan waxay, heli lahaayeene
Hilbahooda kuma iibsadaan, hadhimo maalmeede

Haasaawahay kugu dilaan, kumase hooyaanne
Hanfadoowdey gabadhii tiqiin, halabsi baabuure
Mar hadday haneen-reere tahay, horor Dhurwaa qaadye
Hammad gaabanaa inan yaroo, hooy cidla ah doontay.

Haddiise Guur hiyiga kaa galooy, hibato laabtaadu
Marka hore hablaha tii xun waa, layska hubiyaaye
Gabadhaa hurdada kaa xidheed, Hodan ku sheegeyso
Hubkeey sidatey hadalkay na tidhi, habacsanaanteeda

Iyo Dumarku waa haybaddee, half-ka yare gaaban
Hantigayga kuma aamineen, kamana hooyeene
Hawd iyo Nugaal kuma gasheen, kumana haysteene

Handaraafka ciiddii galbeed, kuma hadaafteene
Hoy kama dhisteen dooxadii, hadhaca weyneyde
Haan dhaana kama soo rarteen, haradi Toommoode

Habeen kama maqnaateen dadkay, haybta ku lahayde
Wuxu hadalku iga daarran yahay, hoga-tus waayeele
Horor qaadaygiiyoow maxaa kugu hanqaaraaya.









 

 

  More

  More

  More

  More

  More

 

 

 

Copyright ©2008, Hoygasuugaanta.com