More

  More

  More

  More

  More

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Jaamac Axmed Jaamac "Gacmadheere"
HJ, Reer Yoonis "Dhalanteed" - 1964





Dagaalkii Xabashida iyo Soomaalida ee 1964kii ayuu Jaamac tirshey tixdan. Iyadoo Amxaarku dad badan ku gumaaday dhagaxbuut iyo deegaanno kale oo Soomaaliyeed ayuu Abwaanku dawladdii markaa jirtey ka dareemay debecsanaan xoog leh.

Ragbaa gabaygu dheeldheel la yahay, amase dhaafaaye
Anna waxan u dhawraa sidii, dhaqanka xoolaaye
Dhuuxaan ka soo saarayaa dhidibbadiisiiye.

Dhulkaan mari, baddaan malab ka dhigi, dhibic gu'baan hoorin
Dhirtaan beeri, dhagaxaan burburin, dahab cas baan dheegi
Dhusinkaan ka soo saarayaa, Dheemantiyo luulka

Kii laba jir lagu dhaawacay, oo dhabar la' baan toosin
Dhaayaha ninkii laga ridaan, laba kaluu dhiibi
Isagaan dhalaal qabin qofkii, Dhega la' baa yeedhi

Iyada oo dhangaagaalihii, dhaar la maqashiiyey
Annagoon maslaxaddaa dhadhamin, dheregna eegeyna
Maantana dhankii kale colbaa, nooga soo dhacaye

Dhibaataa ka timi reerihii, Dhud iyo Hawd yiille
Wax dhanbaalku noo keenayaa, dhiilla fara weyne
Dhagaxbuur dorraatuu ku baxay, dhaladki Xayluuye

Dhudhun iyo laxaad buu ku tegey, dhaadashiyo xooge
Meeshuu jidku u dhaw yahay, buu soo dhudhumiyaaye
Wax dhufayska lagu yaaci jirey, dhoonbirkii hore'e

Waataa hubkii laysla dhacay, Dhiinjarka ahaaye
Inta dhimatay laba saacadood, boqol waxbaa dheere
Dhaawacu tammuuxdaa ka badan, dhiraha jiifaaye

Dhakhtar iyo Dawiyo looma geyn, Dhooli soo gura'e
Dhibaatay qabaan xaasaskii, dhawr habeen qadaye
Iyagana dhadhamo looma dirin, dhuuni iyo soore

Jamhuuriyaddu inay dhawrsatiyo, inanay dhaadayn
Iyo inuuba dhalanteed la yahay, dhiigan demi waayey
Iyo inay ka sii dheregsan tahay, dhaqanka Soomaali

Iyo inay dheg waa loo xishaa, Xabashi dhawrayso
Iyo inuu raggii dhicin lahaa, dhoof ka imanaayo
Dhanna uma caddayn xaajaday, nagu dhabriirsheene
Dhaqso may u sheegaan anuunbaa dhereran meeshiye.
 

 

  More

  More

  More

  More

  More

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Copyright ©2008, Hoygasuugaanta.com