More

  More

  More

  More

  More

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Jaamac Axmed Jaamac "Gacmadheere"
HJ, Reer Yoonis "Tafaraaruq"





Tixdan oo aan dhammayni waxay ka mid tahay suugaantii uu ku diidanaa abwaanku nidaamkii Musuqmaasuqa ahaa ee ka horreeyey keligii taliyihii Siyaad Barre.

Haddii shicibku Calankuu tabcaday, loogu tudhi waayo
Tis dhan oo qabyaalada haddii, tuurta lagu qaado
Maantana Taleex iyo haddii, Toommo laga muujey

Taariikhihii Karal haddii, taabka lagu haysto
Tol-maroorsi xaajada haddii, nala taraarsiiyey
Taajkii yimaaddaba hadday, toban ku saaxiibto
Tafaraaruqii hore haddii ay, tanina noo raacdo

Idinkuna tigaaddiyo nimacada, taransan maysaane
Tambareeri uunbaydin noqon, tiriyey shaashkiiye
Haddaan laga tanaasulin jarkaa, nalagu taaraayo
Tallahaan ku dhaartaye inay tegi sidii Koongo.


 

 


 



 

 

 

  More

  More

  More

  More

  More

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Copyright ©2008, Hoygasuugaanta.com