More

  More

  More

  More

  More

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Jaamac Axmed Jaamac "Gacmadheere" (1922 -2004)
HJ, Reer Yoonis "Xigmad"  - 1961




Iyadoo Xabashidu gumaadayso dadka Soomaaliyeed ee dhulka ay Xabashidu gumeysato ayaa Ra'iisal Wasaarihii Dalka Soomaalia oo booqasho ku jooga dalka Talyaaniga idaacadda Muqdisho sheegtay inuu ubax dhig ku sameeyey xabaalo ay leeyihiin Baadariyiin.

Xikmad iyo xamaasadiyo talo, iyo xeelad iyo waano
Xarfaan hadashay weligoodba, ways xaraf yaqaannaane
Dar uun bays xabeebshood golaha, kaga xanaaqdaaye
Xiiq baaba laysugu dhintee, maan xogtaba sheego
Xeedhada gunteedaba wixii ku xadfan maan gaadho.

Xukun raagey xaal wada jirjira, xaajo bixi weydey
Gartoo xidhantay, Xeerbeegtidoo, qolo la xaagaanle
Xafiis adiga kugu raakib ah, iyo Xaakin kula dooda
Xabbadda baa ka yididiilo roon la isku xooraaye.

Wax xadkaaga lagu daafacaa, xeebasho la'aane
Ma xayaado qaran dawladoo, xagasha laabtaaye
Xoolaha marka uu kaa dhacee, xarunta kaa qaado
Rag ninkaan xanuunkaagu dhibin xaaska kugu maagye.

Nin haddaad ku xaman eedda, waa lagu xariiraaye
Xildhibaanka Soomalidoow, waad xadgudubteene
Xaqii baad ka booddeen kolkaad, xubinta hayseene

Idinkoo xagaafkii arkaad, jar iska xoorteene
Xigtannimada loo wada fadhiyo, xaafaddiyo suuqa
Xanta xoose xagal-reeciskiyo, xeebashada Sawdka

Xaqiiqoowdey Talia(Italia) inaad, qaar la xididdeene
Xurmo seeddi iyo qoysnimaad, kaga xishooteene
Haddaydnaan is xila-guursanayn, Xamar ma joogeene

Xarrigaada baarkiyo hablaha, lala xublaynaayo
Wax ku xigey xawaal Baadderi, baad shalayto xaadheene
Waxba yuu annaga noo xadrayn, xaaji feydaniye

Waxba yaan wasiir xiimayaa, xeeb u dhaadhicine
Waxba yaan xawaalad iyo jeeg, lala xawaarayne
Waxba yaanu Raadiyoowga Xamar, dhab u xayaysiine

Ninna maanta xiiso uma qabo, xaafidkii hore'e
Dhaaxaad ku xawxawsateen, xoolo booliyahe
Nin walboow xusuusnoow dhaqsaa loo xisaabtamiye.

 

  More

  More

  More

  More

  More

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Copyright ©2008, Hoygasuugaanta.com