More

  More

  More

  More

  More

 

 

 

 

 

 

 

 

Jaamac Axmed Jaamac "Gacmadheere"
HJ, Reer Yoonis "Colaad Sokeeye", 1954






Gabaygan wuxuu ka tirshey isla colaadihii 1954kii dhexmaray jilibbo ka mid ah beelaha walaalaha ah ee HJ & HY;

Warka xalayto guuraynayey, ee galawgu noo keenay
Ee ay gaadhiyadu noo sideen, galabta soo hoydey
Goortaan guddoonkii hubsaday, gaalibkaan tumay’e
Gabladiyo cayaartaan is rogey, garanba maysaane

Godobtiisa reerkii yaraa, goosan kari waaye
Reer Maxamed goobtu tegey, bay gool ku dhaliyeene
Guulbay ka keeneen halkay gacanta saareene
Ma galiilyadii bay rideen, gocasho waa ceebe

Gorgorkiyo waraabii miyaa, gudur la deeqsiiyey
Nimankii is gaballaaxin jirey, gawda laga saarye
Guutooyin loo soo culay, oo geydh qabaa helaye
Gidhligaanka iyo baa la tegey, Goos la iibsadaye

Waxna gacanta keebka ugu dhigay, geesi Leebiyahe
Gelinbaa la weeraray hadday, guro fogaayeene
Gaal baw baxaye maalinbay, gadi lahaayeene.

Laga guur guryii Tawlaniyo, gumuci Tuurdheere
Laga guur Gabraale, iyo hirkii gaannanaan jiray’e
Laga guur gawaantii casayd, galaxyadeediiye
Laga guur ganuunii Burcee, geela loo qoday’e

Laga guur xeryii gooddiga, ee guulka loo dhigay’e
Laga guur bankii gudubsanaa, godammadiisiiye
Laga guur guryii Reer Ammaan, geedka ku lahaaye
Waataa galbeed loo kiciyo, Goraygi xaadhnaaye

Nin colaad sokeeye u guntaday, gaadh ma jiifsado’e
Awal ima godbeyn, Arabna waa, gacal walaalkay’e
Ma gumeystey Habar Yoonisbaan, geeddi ku ahaaye.



 



 

 

 

  More

  More

  More

  More

  More

 

 

 

 

 

 

 

 

Copyright ©2008, Hoygasuugaanta.com