More

  More

  More

  More

  More

 

 

 

Jaamac Axmed Jaamac "Gacmadheere"
HJ, Reer Yoonis "Gunbaa laga durkaa"





Jaamac oo dhalinyar ayaa isaga iyo nin kale arkeen gabadh aad u dhaban wanaagsan. Markiiba kaftan iyo haasaawe ayuu ku bilaabay hayeeshee Jaamac wuxu arkay gabadhii oo is dadbaysa oo gogoshii diidday markaasuu tixdan kooban ee faanka ah inantii u mariyey;

Guban iyo Saraar iyo intaa, la iska gaadhaayo
Garka gudubsan, Gaaroodigaa, dhagaxa guudkiisa
Gegiyaa Xaguugiyo intaa, Baarcad gudubkeed ah
Ganuunaha Wardheer ceelasshuu, geeli ka cabbaayo

Goofkii Bullaale iyo intii, guro ka soo jeedda
Galgal iyo Gallaadiyo Qardho, godanka Yoocaale
Garaad Faarax meeshuu degiyo, geedka Lebi-Raarre
Gooddiga Xadeed Soolasha, iyo gucunka Dhaabeede

Intaasoo gabiiraa tolkay, gees walba u yaalle
Waxan ahay halkay ugu gudhaa, gebigi Reer Sheekhe
Waxan ahay gunbaa laga durkaa, gaanka Muusaha’e
(1)
Ma mid gama’san baad tahay maxaa gogosha kuu diiday.


______________________
(1) Muuse Sheekh Isxaaq




 



 

 

 

  More

  More

  More

  More

  More

 

 

Copyright ©2008, Hoygasuugaanta.com