More

  More

  More

  More

  More

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Jaamac Axmed Jaamac "Gacmadheere" (1922 -2004)
HJ, Reer Yoonis "Guubaabo" - 1988





Tixdan guubaabada ah wuxu Jaamac ka tirshey xasuuqii sannadkii 1988kii ay huwantii Afweyne Barre ku laynaysay shacabka Gobollada Woqooyi iyo dagaalkii xigey. Gabaygan waxaan u filaynaa inuu yahay kii ugu danbeeyey ee uu abwaanku curiyo.

Maanta cirradu qayl tahay, iyo aniga oo qayd leh
Quruuruxa ka badan waanadaan, qayb idiin idhiye
Qiirada afkaygiyo wacdiga, igama qaataane
Maantana midkaan soo qasdiyey waw qaddimayaaye.

Quruumaha kaleetiyo halqigu, ma aha qaabkaase
Qalbi iyo awood wada jirtay, qayr ku dhaliyaane
Idinkuna qarkii laga tegaad, weli qodaysaane

Qormadii dalleenaa dhurwaa, qoobka geliyaaye
Qudhac iyo hadday maaci tahay, kuuma soo qumo’e
Quwad iyo lixaad waa kolkaad, qudh isu raacdaane

Qofka gooniduu baydhaya, iyo qubanahaw diida
Dood aynu wada qaadanaa, qaamilaad ma lehe
Qoorweynta kama maarantee rag u qaroomeeya

Qilaafbaa ra’yiga kaa dilee, qawl isku ahaada
Laynkii qalloociyo halkii, qalada jeedaasha
Labadii is qoonsada wixii, qaana kala siiya

Qaynuun la raaciyo dastuur, qodoble soo saara
Qaru-roorku waa badan yahay, ee kiis qabta u yeela
Nimankii qurbaa iyo raggii, qaarajka u yeedhta

Waatuu Quraankeennu yidhi, qaayif mina-naare
Qudhu maalinbay leedahee, qoof iska ogaada
Qoomaay dagaal waa markay ugu qadhaadhayde.

Afartaa qorsheeyee waxaan, qaafka ka higaadshey
Nin hadduu qisaas kuu xidhiyo, dil iyo qoorgooyo
Qosol iyo cayaar iyo hadduu, quudhsi kugu toogto

Qabnadaada xoolaha hadduu, gelinba qaar goosto
Haddii ooridii aad qabtay, iyo guriga kaa qaado
Adiguna qorshaha waa inaad, col u qalqaashaaye

Qamac lama noqdo’e waa inaad, rig qotomisaaye
Qudbad iyo warbixin waa inaad, qaylo dirataaye
Qoonkii fadhiya waa inaad, qiiro gelisaaye

Waa inaad aroos quruxle, iyo qaadacdaa gogole
Qori iyo shakadi waa inay, kugu qabiibmaane
Waa inaad surwaalkoo qudhiyo, qaadataa garane

Qorrax iyo kulayl iyo waa inaad, qaabishaa dibede
Labadaada qaar waa inay, qara yaraadaane
Qoortiyo wejigu waa inay, qolof ku yeeshaane

Adigoo qondhodhay waa inaad, qaabishaa Faqashe
Qorraxii kastaba waa inaad, qaar burburisaaye
Sidii qori dab jaray waa inaad, qabax ka siisaaye

Meelaha qarsoon waa inaad, qoobka marisaaye
Qirinqiirka hadhay waa inaad, soo qabqabataaye
Nin quraacan jirey waa inaad, dacar u qooshtaaye

Qasnadii fatahay waa inay, qali garoobaane
Waa inay qasaariyo jab iyo, qulub la yaacaane
Qurux iyo wanaag waa kolkuu, qaran xoroobaaye

Qool iyo farxadi waa markaad, qaadataa calane
Qayr iyo wanaag baynu heli, lagu qaboobaaye
Taariikhda qoran waa inaad, qiimo gelisaaye
Qoomoo la dhaca waa dhurwaa qaamudkii galaye.

 

 

  More

  More

  More

  More

  More

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Copyright ©2008, Hoygasuugaanta.com