More

  More

  More

  More

  More

 

 

 

 

 

 

Jaamac Axmed Jaamac "Gacmadheere" (1922 -2004)
HJ, Reer Yoonis "Danni iyo Waswaas" - 1961





Jiiftadanina waxay ku saabsan tahay iftiimin ku saabsan aafooyinka qabiilku lee yahay. Wuxuu abwaanka shacabka uga digayaa inay wixii qarniyada badan kala geeyey ummadda ee nin-doorku ku idlaaday ay dib ugu laabtaan.

Ragbaa gabayga doondoona; iyagoo ku daalaye
Anna kaan ka soo doorto; ma daliilin waayee
Wixii dunida lagu joogay; darxumooyinkii dhacay
Awr dabarro laga gooyey; innagaa ku dirirnee

Intii geesi lagu dahay; gurigaa ha ii deign
Wixii danabbo lagu laayey; dekenaan ku lee yahay
Doqonniimadii hore; Rabbibaa daweeyee

Qaarbaa ka daahnaaye; Dayax baa iftiimaye
Waakaa dusheennee; duulbaan arkaynine
Malaa dawladnimadeenna; ninna diidimaayee
Danni iyo waswaasbaa; inna kala dilaayee

In dacaayad lagu faano; mid dariiqa maahee
Deelqaafka iyo ceebtu; Inna doojinmaysee
Wixii samoba kugu deeqa; xumo laguma doonee
Haddaan dani ku yeelsiinnin; dirir lama jeclaystee

Labadaada daaroodna; denbi lama shaqaystee
Dibindaabyo lama taliyo; dulmi iyo waxyeellee
Dad walaal ku moodaaya; dalaq lagama xooree
Wixii daayin naga saaray; dib hannoogu celinnina.


 

 

  More

  More

  More

  More

  More

 

 

 

 

 

Copyright ©2008, Hoygasuugaanta.com