More

  More

  More

  More

  More

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Jaamac Axmed Jaamac "Gacmadheere" (1922 -2004)
HJ, Reer Yoonis "Dood"  - 1964 kii




Dagaalkii Xabashida iyo Soomaalida ee 1964kii markuu dhacay ayaa Ra'iisal Wasaarihii dalku ka hadlay xiisad colaadeed oo waagaa ka taagnayd wadanka Kuubba. Wuxuu Ra'iisal Wasaaruhu sheegay in haddii aan Maraykanku faraha kala bixin arrinta Kuubba ay Dawladda Soomaaliya ugu deeqi doonto ciidan difaaca dalkaasi. Jaamac oo aad ula yaabban arrinkaas ayaa gabaygiisan ay ku jirtaa
 

Adigoo dilkii shalay ahaa doonan kari waayey
Intaad nimanka Kuubba isku diley duub u xidhanayso
Duul kale maxaad tari kartaa dagan qudhaadiiye!


Wuxuu gabayga ku bilaabay Jaamac

Duunyaa la kala siisan jirey, daabac lacageede
Nimanbaa dammaan keeni jirey, duraha jiilaale
Dalab qaaliyay sugi jireen, door Jimciyo wiige

Iminkana dillaal iyo mushtari, kii dadkaa jira’e
Doolaar nin lagu iibsadaa, dilay dhulkeenniiye
Dar jibbaysaniyo khaayinbaa, loogu dawgalaye.

Wiilyohow dorraad baanayee, dowladnimo sheegtay
Haddii aad dariiqii runtiyo, daacad ku hadlayso
Danta shicibku leeyahay haddaad, wax uga doonayso

Intaad nimanka Kuubba isku diley, duub u xidhanayso
Maantii dannood qayladii, dunida maanshaysay
Goortay dalluuntaa sidii, deero cararteene

Darandoorrigii weerarkaad, dib uga yaacdeene
Degmadii la dhacay, reerihii dooxatadu laysay
Dabkii ololay, daarii burburay, danabki xiimaayey

Aqallada dalooliyo guryaha, degelku qiiqaayo
Dumarkiyo agoomaha kuway, dugaydu yeedhayso
Ooryahan dumaal kuu xigee, dulugle caydheeda
Geesigu dakanadii ka maqan, waw da’ tiriyaaye

Rag diyaara baa aarsadee, debecsanaantiinna
Adaan cadawga naga daafacayn, nalagu soo duulye
Adigoo dilkii shalay ahaa, doonan kari waayey
Duul kale maxaad tari kartaa dagan qudhaadiiye.

Gucur dama dad guuraynayaan, dab u shidaayaaye
Nin dammiina iyo khaayin baan, kala duwaayaaye
Dureemada ka badan waanaday, dacal ka dhaafaane

Hadba meel durbaan lagu maqlaa, loo durduriyaaye
Maantana daf baa looga tumay, daristi Qawloode
Ba Xamiido waxay doonayaan, idinka diimmoone

Dhulkoo deelmay, dooxooyinkoo, duxidu dheeraatay
Mid an dego, dalaalna an ka dhigo, taana kula daaqo
Col dareeray, duullaan baxoo, debec la soo qaaday

Daawaynu leenahay, intaan helayna ii deellan
An ku dilo, diyona hayga sugin, iina dudi maysid
Deynkiina ii keen, waxaan qabayna waa duudsi

An ku dago, daraafsina ahaw, hana digtoonaanin
Ii dood, dareenna ha ka hayn, waxannu doonayno
Waxan dedayo, waxan daahayiyo, waxan daboolaayo

Deris iyo walaallaynu nahay, soona deyi maysid
An dallaco an daar dheer u baxo, oo daaqadda ha taaban
An dibbiro dulbaaxdana an cuno, oo dibinta yaad saarin

Ina dooro, diiqana i sii, kuna dawayn maayo
Dibjirkaa aha woo haddana, iigu dirir taajka
Waa xaal Diktaatooriyaan, dad isku raacayne

Anigoo dariiqaa cad iyo, daacad ku hadlaaya
Anigaan dagaallamin, anoo dul iyo miisaan leh
Doqon baa sidaa laga helaa diidney oo keliya.


 

 

  More

  More

  More

  More

  More

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Copyright ©2008, Hoygasuugaanta.com