More

  More

  More

  More

  More

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Jaamac Axmed Jaamac "Gacmadheere" (1922 -2004)
HJ, Reer Yoonis "Dastuurkaasi ma roona"  - 1961 kii




Gabaygani wuxuu soo baxay 1961kii mar la yidhi ha loo codeeyo Dastuur laga soo naqliyey Dastuurkii gaalada oo Gobolladii Woqooyi ee Soomaaliya aad looga diiddanaa. Madal uu fadhiyey Ra'iisal Wasaarihii xilligaas oo u ololaynayey meel marinta dastuurka ayuu Jaamac gabaygan iskala taagay.


Sidaan raysimmo geeliyo,
Reera buuxa Afduubay,
Amase aan rubad gooyey,
Waxan aan ku Riddoobey,
Ee laygu raadsanayaayee,
Kuwa Roonka wareegee,
Run Police la yidhaahdiyo,
Ragga qaar ka madluumayee,
Riin-garays iyo Taariyo,
Rumaan aan xad lahayniyo,
Hadba raabo kaxeeya,
Loogu Ready-garoobbey.
Rabbi bayna abuurtay ,
Ragna laynagu sheegye,
Rodol meel laga qaatiyo,
Rubbad yaan nala siisanoo,
Ribo yaan la cantuugin.
Yaan Risaaladda weynee,
Rasuulkii (NNKH)ku dardaarmiyo,
Rugni Diina la Iibsannoo,
Gaalo yaan la rafiiqin.
Faransiisna rug dhaanye,
Guryihii raqdu tiillee,
Raggeennii lagu laayiyo,
Maxaad Rooma ka doontay,
Ra'iiskaannu sua'aalliyo,
Ma runtay ku collowdey,

Rakibayoo iska dhaafaye.

Nin Diyaarad ku rooroo,
Rabdad Liire ah qaadiyo,
Nin rakuub ku carraabiyo,
Nin Riwaayad sameeyaba,
Distoorkaasi ma roona oo,
Buugaagtaan rafacaayee,
Isticmaarku rasaystay,
Iska soo rogrogteenoo,
Kii horaa laga Riidhayoo ,
Laga Raytin gareeyoo,
Raadba raad lagu beegoo,
Waxaan Rule-ba ahayniyo,
Ra'dii oo la ballaadhshey,
Baa laygu Raawisayaa .

Rakiboo iska dhaafaye

Nimankaannu rarayney,
Xukun aan kaga raystiyo,
Qudbad aan u riyaaqoo,
Sida Roobka na deeqdiyo,
Raasamaal na dhaqaayiyo,
Wax la raaci karaayiyo,
Rasmi looma samaynoo,
Inkastaad na rushaysoo,
Rako dheer isku taagtoo,
Radiyaa ka ammaanto,
Ragaadkaas badhna muuqdo,
Badhna aad dib u reebtay,
Ra'yigaannu ka diidnayoo.
Ma rabnaa ku hor taalle,
Wadaadkaagan riyoodoow,
Iska raalli ahaw oo,
Rabbi baa na abuurtayoo,
Isagaa na Rasaaqiye,
Lacagtaad ruxruxaysiyo,
Rashinkaagaana hayso oo,
Adeeroow naga Rooxoo,
Aw Racoofna kaxayso.
Haddiise aad rabshad oogtoo,
Raran laysku istaadho,
Ood dawga Raydhka ah seegto,
Waa intii isku reerkiyo,
Isku raaska ahayd,
Waa raggii wada yiil.
Ma ninbaa rogmanaayoo,
Ninbaa raaxo helaaya?
Ma ninbaa rarmi doonoo,
Ninbaa Rooyal ahaan?
Ma ninbaa rigo weerar,
Hadduu ruugga u goosto,
Laga raysanayaa?
Ma cirkaa dad ku raaran,
Laga soo rogayaa?
Ma rooxaani qarsoonbaa,
La rabbaysanayaa?
Ma ninbaa xabbad Ruusha
Lagu soo ridayaa?
Ma rasaasta dhacaysiyo
Ninbaan Rookat lahayn?
Ma ninbaa laba ruuxoo
Isu reedhi ah haysta?
 

 

  More

  More

  More

  More

  More

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Copyright ©2008, Hoygasuugaanta.com