More

  More

  More

  More

  More

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Jaamac Axmed Jaamac "Gacmadheere" (1922 -2004)
HJ, Reer Yoonis "BERBERA"  - 1961 kii




Inqilaabkii 1961 ka dib ayaa dawladdii waagaas jirtey oo ka taxadaraysa Inqilaab danbe iyo is afgarad danbe oo dhaca, ayaa shaqaalihii dawladda ee ka hawlgeli jirey Woqooyiga loo raray Koonfur. Sidoo kale waxa bilaabmay dhaqaale-curyaamis lagula kacay shacabka gobolladii Woqooyi iyadoo ganacsigii Berbera la damcay in Xamar iyo dekedaha koonfureed loo duqo. Geeraarkan qiimaha leh ayuu Jaamac ku saafayaa colaadda waagaas lagu bilaabay dadka ka soo jeeda gobollaadii Woqooyiga ee Soomaaliya.

Isagoo iska dooboon,
Aabbahay dumar yeelanoo,
Hooyadayba la doonin.
Maalintaan dahrigiisiyo,
Duubigiisa ka beermay.
Anaan daafba marayne,
Diric uurka ku nool ah.
Dushoo laygu xanbaariyo,
Anigoon dab ka baydhin,
Layna daaddihinaayo.
Anoo duunyada raaca,
Anoo maanta da’daasoo,
Gadhkii deylku is gaadhay.

Ilaamaa degel reeb iyo,
Duraayay ku sinnayde,
In dooroo ka horraysay.
Nimankii na dulmaayee,
Dahabkii aanu lahayniyo,
Dannabeeyey dhulkeenna.
Quruuntii deldellaydba,
Rabbi wawga debcaaye,
Dulligii isticmaarka,
Waannagii iska diidnay,
Oo wixii diif ku dhacaayey,
Shicibkii damqan waayey,
Ee dul yeeshay dhibaato,
Dad gumeysi ka daalayoo,
In dalkoodu xoroobo,
Doonayaannu ahayne.
Calan doogo madow ah,
Subaxdaan dallacaayiyo,
Kii kalaan dejinaayey.
Hadba diiq iyo raaxo,
Adigaa isku doorshee,
Allii daayin ahaaye,
Ducadaanu baryeyney,
Degdeg nooga ajiibee,
Dulligii naga saaree
Dacawaadka na siiyiyo,
Deeqlow waa mahaddaa.

Dubbeeyoo iska dhaafaye,
Markay doorasho joogtay,
Nimankaan derejeeyey,
Duqaydaan intiqaabaye,
Duntii shaalka ahaydiyo,
Dawlaabtii boqor saaray,
Siday noo dayaceenna,
Bal an dood yar ka gaadho.

Dalka koonfur xaggeeda,
Degmadeenna woqooyi,
Labadeenatan duul’e,
Isku dawlad ahaaday,
Saddexdaa maqan doona,
Inta diirka madoobi,
Haysku soo darmadeenoo,
Danwadaag ha noqdeen,
Hadalkii lagu daayey,
Ma haddaa dafirteenoo,
Durba mays beddesheenoo,
Dar baas baad noqoteenoo,
Wixii laysku dardaaray,
Ma ragbaa kala daadshoo,
Ma tanaa ka danbeysey,
Oo duunyo waa fal ibleyse,
Darbaddii u horraysaa,
Qasnad Doolar ka buuxo,
Laga qaaday daboolkoo,
Gacantaa la daf siiyoo,
Dacalkaa lagu miistoo,
Tagsi laamiga duuliyo,
Berked uu ku dabbaashiyo,
Ninba daar ka samaystay.

Ma markaa dibbirteene,
Ninba doobi karuuriyo,
Darib laysugu dhiibay,
Dulbaaxna loogu rakaadoo,
Dul-lis loogu sameeyaa,
Shicibkii idin doortiyo,
Dibjirkii la illaaway.
Dadkuse waysku dhawaayoo,
Dalcad baa u dhaxaysee,
Ma hadday u darraydood,
Toban duul ka dhigteenoo,
Dar gacmaa wax ku iibshiyo,
Dillaaliin la samaystay.

Dubeeyoo iska dhaafaye,
Ma Talyaani dayuusiyo,
Doqonkii Ina Xayliyo,
Dawligi Faransiisiyo,
Dunjigood qarbiyiintiyo,
Nimankaan ka durkaayaa,
Rag daawaysanayaayoo,
Haddaabay u darraydoo,
Dumarna laysku aroosay.

Dubeeyoo iska dhaafaye,
Hadday dayrtu hillaacdo,
Daan galbeediyo hawdiyo,
Habeen Doollo ka hoorto,
Dadkoo geeddi ku seexday,
Degmadoo ku hayaantay,
Intaan doogba la gaadhin,
Miyaan soo dawaraayoo,
Abaar baan dejiyaa?

Dubeeyoo iska dhaafaye,
Dab aan xaabo lahayniyo,
Nin dureemo kulaalay,
Dunjigii ila eegoo,
Haddaan lays dirqiyayn,
Ma ku diirsan karaa?

Dubeeyoo iska dhaafaye,
Berberaannu duddeynoo,
Laga soo degi mayo.
Dab inuu ka bidhiiqiyo
Dooni mayno dhiskeeda.
Oo dekadii Xamar weeyoo,
Dani waa adin geyne,
Haddaad doorkan safrayso,
Waan idiin digayaaye,
Dukaankaa Ilma Liiree,
Dibisyoonuhu joogo,
Isago dakhlad roonoo,
Fannigii laga dooniyo,
Dun xariiriyo Suudhiyo,
Dereys aad u bogeysiyo,
Dawaarrii fasilaayiyo,
Dawaakh miidhani yaalloo,
Dorraad Rooma ka keenoo,
Waana kuu demlayaaye,
Ha u deymo la’aanin.

Nimankiinna dalkaase,
Ilma Diiriye Geeddi,
Dacwaddaa na tidhaahde.
Dejisoo Maqalnay,
Anna daakhiligiisiyo,
Waxan laysu dedaayo,
Haddaan lay dirqiyaynee,
Ama diid ama yeeliyo,
Kala doorasho joogto,
Dantay maaha sidaasi.
Darkii aan ka cabbaayey,
Miyaan soo dumiyaayoo,
Maanigoo Dubur joogaan,
Docmo dhaan u rartaa?
Ma Togdheer dacalkiisiyo,
Illaa dooxa Afgooyaan,
Bad intaan ka dillaacsho,
Maraakiibta dekeysiyo,
Doonyo soo mariyaa?
Ma diyaarad Ingeydhaan
Ugu soo daldalaa?
Mise Awrka dushiisiyo,
Dameer baan wax ku keeni?

Anaan been ku daraynoo,
Ku dacaayadinayn,
Denbina aan ku hadlayn,
Haddii aan wax is dourine,
Sideedaa lagu daayo,
Dawladdeeniyo manta,
Ninkii deeq ka sugaa,
Waa Ugaadh daba rooroo,
Deero caano ka maal.



 

 

  More

  More

  More

  More

  More

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Copyright ©2008, Hoygasuugaanta.com