More

  More

  More

  More

  More

 

 

 

Jaamac Axmed Jaamac "Gacmadheere" (1922 -2004)
HJ, Reer Yoonis "Fooq-khasaare"  - 1967 kii





Doorashadii 1967kii ayaa niman Reer Yoonis ahi oo laga doonayey inay soo saaraan musharraxoodii lagu eedeeyey inay hanti ka qaateen abtiyaalladood oo codkoodii iyo kii taageerayaashoodaba ay ugu rideen musharraxiin Nuux (HJ) ah. Nimankaas oo lagu eedeeyey inay ninkiiba la siiyey 50,000 oo rubbood iyo gaadhi Timir ah ayaa golahay istaagaanba lagaga kacay. Jaamac oo ku raggaas ku eedaynaya inay tolkood raashin maalin ah siisteen ayaa geeraar u tirshey ay erayadiisa ka mid ahaayeen.



Afarta daallinyo sagaalka dillaal,
Iyo saddexda ku dallacay Daruuraha,
Iyo labada ka darraaday Daba-Caws,
Deriga nacasiyo dareefaha,
Raggaa inna diley dagaalkii,
Dadkaan tiriyeen dahsoonayn,
Ninkii daalacdow iskaga durug.

Nimankii la eedaynayey way xanaaqeen markaasaa Jaamac intaas kagama hadhine uu gabaygan u tirshey.

Hees iyo gabaybaa ku furan, habar-wadaagtiiye
Nin waliba wuxuu soo heluu, soo hordhigayaaye
Hilinkii bannaan reerka, waa laga hayaanshaaye

Waa kuu Histeri xaajadii, lagugu haystaaye
Shaygii hirgala waa danbaa, lagu halmaalaaye
Hadbana waa nasiibkaa guryaha, hooyadaa tahaye

Hantigaaga lama xeeriyiyo, hawsha berigaase
Hayb iyo aqoon guurka waa, la hidda raacaaye
Haddiise uu aabbahaa kaa hagrado, hiifna kugu reebye.

Harti iyo Isaaq maalintii, la isu soo haabtay
Maantay haweenkuna galeen, hiillankiyo foodka
Nimankii hogtii kaaga tegey, halawgu duulaayey

Nimankii hareer kaa mare, haybta kale sheegtay
Nimankii hadhuudhlaha galbeed, la hindisoonaayey
Soortii nin weyn lagu hodaa, waa hunguri jaane

Hawooy dhimo’e hilib maalinay, hadiyad moodeene
Hanti looma keenine cunnaa, loo hoggaansadaye
Goortii Minkii la hurgufay, naga hagoogteene

Habeen bay is dhiibeen sidii, herein soo galay’e
Jeer aan hubsaday dhawr qolaan, ugu hanweynaaye
Maantana maxay ku hadlayaan haatan la ogaaye.




 

 

  More

  More

  More

  More

  More

 

 

Copyright ©2008, Hoygasuugaanta.com