More

  More

  More

  More

  More

 

 

 

Jaamac Axmed Jaamac "Gacmadheere" (1922 -2004)
HJ, Reer Yoonis "Ilaahay ka baqa





Gabaygan wacdiga ahina waa mid abwaanku dadka ugu dardaarmayo xoojinta tiirarka Islaamka iyo ka fogaanta Ibliiska.


Islaamnimadu waa door ninkii, Eebbe solansiinne
Aftalkeeda hore waa markaa, la ashahaataaye
Salaaddaa ayaan iyo ayaan, la ijtihaadaaye

Soonkaa anfaca maalintii, laga adkaystaaye
Sekadaa adduunkiyo dadkaba, la iska oofshaaye
Nin awoodi karayoow xajkaa, lagu itaalaaye

Markaasaa Ibleyskiyo kufriga, laga adkaadaaye
Oo aad albaabbada Jannada, orod ku gaadhaaye
Ilaahay ka baqa kaasi waa ereygi weynaaye.

Adxa iyo Fitrina waa jiraan, labada iidoode
Iyagana sunnaa lagu ismoo, mu'akad weeyaane
Ajri xoogleh baa laga helaa, ururka maantaase

Markaasaa Ibleyskiyo kufriga, laga adkaadaaye
Oo aad albaabbada Jannada, orod ku gaadhaaye
Ilaahay ka baqa kaasi waa ereygi weynaaye.

Allabariga waxa loo qalaa, odayadeenniiye
Asaxaabigeennii dhintaa, lagu addeecaaye
Ehelkaan wixiid aad tartaan, loogu anafoonne

Aakhiro wuxuu kugu noqdaa, ololki naareede
Itinkeeda waa laga durkaa, dhaxal agoomeede
Tuugiyo Ammaanaan la cunin, oonna loo dayane

Eegmada habluhu waa waxaad, ku ibtiloowdaaye
Ololaa cayaartiyo Sinaa, laga adkaystaaye
Afkaagaa sukuud laga noqdaa, odhahsan mooyane
Awlaadsibaa lagu daraa, duciyo aammiine

Markaasaa Ibleyskiyo kufriga laga adkaadaaye
Oo aad albaabbada Jannada orod ku gaadhaaye
Ilaahay ka baqa kaasi waa ereygi weynaaye.






 

 

  More

  More

  More

  More

  More

 

 

Copyright ©2008, Hoygasuugaanta.com