More

  More

  More

  More

  More

 

 

 

Jaamac Axmed Jaamac "Gacmadheere" (1922 -2004)
HJ, Reer Yoonis "Wacdi





Gabaygan wuxuu abwaanku kula hadlayaa nin ay ilmaadeer ahaayeen oo Yuusuf Nuur Jaamac la odhan jirey oo uu ka dareemay inaanu u dheganugleyn cibaadada iyo cabsida Eebbe.

Wedku kuuma oga yuusufoow, wiil inaad tahaye
Waagii beryaba mawdku waa, kugu wareegaaye
Waayeel caddaadiyo u siman, weled saqiiriiye

Inaan "Waarantiin" laysu qorin, waa war la hubaaye
Ninbase maalintuu waaqif yahay, waaxidkaa garane
Aakhiro walaalaha dhab ihi, wax isma siiyaane

Waxad laguma soofsado adduun, nin isu waaloowe
Anaa wadarta reer hebel ah iyo, waalid muu jiro
Ninwaliba wixii uu dhigtaa, waaran ugu yaalle

"Waygii" Ilaahay nin jaray, laga wanaag roone
Shaydaan wixii weheshadaa, weylintuu kace'e
Weysada ha deynina ayuu inna wadeecaynne.







 

 

  More

  More

  More

  More

  More

 

 

 

Copyright ©2008, Hoygasuugaanta.com