More

  More

  More

  More

  More

 

 

 

Jaamac Axmed Jaamac "Gacmadheere" (1922 -2004)
HJ, Reer Yoonis "Abris iyo Abees"  1975





Tixdan kooban waxay soo baxday abaartii Dabadheer oo aad u saamaysay deegaanka Abwaanku ka soo jeedo. Jaamac wuxuu musuqmaasuq ka dareemay odayaal deegaanka ah oo lunsaday caawimooyinkii dadka abaartu tabaalaysay loogu talo galay.


Waraabii ilood, kii kalee, Oodla’ ka carraabay
Iyo kii Artala’ joogi jirey, ayda madaxeeda
Kii Geela aynabi jirey, iyo udubta laasaa le

Aarkii daboolay noqdeen, odayadii qaare
Arjajawda qawlaha asliya, adamigaa miidhan
Afmindiilayaasha isu tegey, sida ilkaa yeyda

Inkaashuuf Amxaar, Faranji waa, kuu islaanimo’e
Haddaad aragto Sawd Afrikay, ehel wadaagaane
Ama waw adeer, amase waa innamadiisiiye

Abris iyo abeesbaa ku kacay, ooshi Waridaade
Wax abaarta guuna uga daran, iibka saayidahe
Afar iyo badhbuu sii socdaa, obabarayskiiye
Aqal geyste aa iyo dhul kale, lagu ammuugyaaba

Inji xoolahii ay soo dirtay, bay alam ka siiyeene
Waa aamus doqonniimo dhala, edebta qaarkeede
Ashkatiyo xafiis waa inaad, ka andacootaane
Ku adkeeya eed waxaygu filan, la idin eeseeye.










 

 

  More

  More

  More

  More

  More

 

 

 

Copyright ©2008, Hoygasuugaanta.com