More

  More

  More

  More

  More

 

 

 

Jaamac Axmed Jaamac "Gacmadheere" (1922 -2004)
HJ, Reer Yoonis "Dawiil"





Gabaygan wuxuu Jaamac u tiriyey Cismaan Maxamuud Daallin oo "Dawiil" ku magac dheer oo uu uga digayey dabinno ay u qoolayeen niman ay Cismaan xafiiltami jireen.

Ma ogtahay Dawiiloow ragbaan, kaaga deyrahaye
Ma ogtahay dushaan kaa jiraa, debedda maantiiye
Ma ogtahay dantaadaan halkii dagan ilaashaaye.

Inkastood dastuurkiyo sharciga, daraf walbuu eegto
Ma ogtahay dusmada meelyarbaa, layska dabayaaye
Dibna looma soo laabi karo, debedna loo saarye
Ma ogtahay dibnaha hadal ka yimi, durug Cismaanoowe.

Iyagaba wax lagu diidayaa, diir gumeysiga’e
Ma ogtahay Qarbi bay kugu dareen, dawladaa bariye
Waa duni intii deris ahayd, laysku dirayaaye

Ma ogtahay dar aad caawisay, kugu dareemeene
Dacwad raagtay, qaynuun, iyadoo lagula doonaayo
Dakharray markhaatiya inaan, kuu dagaallamaye

Ma ogtahay tolnimo waa dugsiye, dacar intaan jeexay
Ha la daayo iyo yaan la deyn, dood ka soconaysey
Waxa laysku diidaba markii, nabad laguu doonay
Ma ogtahay shirkii waxa ka diday, duul wafti ahaaye
Maantana distoor iyo talaan, kuu dejinayaaye
Sida dawladii reer Galbeed, ama dadkii raacay

Wiilyohow diktaatoornimaan, kaaga digayaaye
Nimankii dulmigu buuxiyee, deynka lagu yeeshay
Waxa maanta lagu duullan yahay, dar aanan sheegayne

Waakaa hubkii loo dalbaday, diiradda lahaaye
Dab munaafaq shiday waa gubaa, daacadda u dhow’e
Waa iga dardaarane kuwaa haba la daaweysan.






 

 

  More

  More

  More

  More

  More

 

 

 

Copyright ©2008, Hoygasuugaanta.com