More

  More

  More

  More

  More

 

 

 

Jaamac Axmed Jaamac "Gacmadheere" (1922 -2004)
HJ, Reer Yoonis "Caawi Noloshaada" , 1980





Tixdan aan dhammayn waxay ka hadlaysaa faa'iidooyinka ay leedahay barashada farta Carabiga ah ee Quraanka Kariimka ahi ku soo degey. Wuxuu Jaamac sheegayaa in badan oo ka mid ah faa’idooyinka ay if iyo aakharoba leedahay barashada luqaddani:

Codka gabayga anigoo yarbaan, caashar ku ahaaye
Cali, iyo Salaan, iyo Kitaan, cidina gaadhayne
Cabdilla Xasan wiilkuu dhalaa, cayn walbuu yidhiye
Ciisiyo ninkii Qawdhanbaan, lagu cilaaqayne
Anna caarifiintaa horaan cugay halkoodiiye.

Caadooyinkii hore dadkoo, canugga nool aasa
Iyadoo cawaan loo batiyo, mid u ciraalleeya
Ceeb laawihii Maxamedbaa (SCW), caaddil soo rogaye

Waddadii caddayd baa la yidhi, caalamka u sheege
Casharkana Jibriil buu ahaa, caalimkii baraye
Cilmigiyo Quraankiyo markii, calanka loo dhiibay
Diinteenna tii lagu camiray Carabi sow maaha.

Inkastood cibaadada sidii, Cali ku dheeraato
Ama aad Cismaan, iyo sidii Cumar ku soo jeeddo
Tii Eebbe lagu caabudaa, carabi sow maaha.
Goortay cidhiidhiga gashee, ciiro kor u duusho
Carrabkii Ilaah lagu baryaa, carabi sow maaha.

Cadrad gabadha ood guursatoo, curaddo kuu qaadday
Caqadkii Xalaal kaaga dhigay, carabi sow maaha.
Rugta laga carraabiyo, rugtaan cidi ka guuraynin
Codka aakhiree lagu hadlaa, carabi sow maaha.

Calli iyo canaadi iyo nacas, caajisbaa dhalaye
Caydh iyo saboolnimona waa, cayladdii xigaye
Cudur iyo jirrona waa kuwuu, caawinsanayaaye
Intaasoo cadaw kaga baxsoo, caawi noloshaada.

Casar iyo caweysin iyo fiid, caawi noloshaada
Maantii intaad camal la’dahay, caawi noloshaada
Intaad meel cayuugnaan lahayd, caawi noloshaada
Intaad qaar la caytami lahayd, caawi noloshaada

Intii aad cayaar-gudi lahayd, caawi noloshaada
Adoo qalinka caarada u qoray, caawi noloshaada
Waa caafimaad iyo dawee, caawi noloshaada

Caanaha sidooda u dhanoo, caawi noloshaada
Cilmina lama dhameeyiyo, baddiyo, ciidda xeebahae
Cimrigaa intuu kuugu simo caawi noloshaada.







 

 

  More

  More

  More

  More

  More

 

 

 

Copyright ©2008, Hoygasuugaanta.com