More

  More

  More

  More

  More

 

 

 

Jaamac Axmed Jaamac "Gacmadheere" (1922 -2004)
HJ, Reer Yoonis "Dhaleeco"





Tixdan kooban wuxuu abwaanku u tiriyey gabadh dhaban iyo dhalashoba lahayd oo uu arkay iyadoo waxyaabo sharafteeda wax u dhimaya dhex muquuratay;

Gabadh yahay dhambaal baan heloo, dhaygagbay dilaye
Dhoobadan Habluhu caafimaad, kalama doofaanne
Sidii Geel Dhukaan qaba maxaa, godey dhafoorkaaga

Ma Dhurwaayaddii baa ku helay, dhagarta doonaayey
Dheeldheel miyay kugu dileen, dhab uma laayaane
Dhabtay kugu legdaan oo Leggay, kugu dhaweeyaane

Dhuumaaladii jaan miyaa, lagugu dhaafsiiyey
Dhunkashiyo is-yeelyeel miyaa, lagugu dhuun gooyey
Ma Dhamaasisay kuu qabteen, dhiro ma waayaane

Dhallinyarada liishaanku, waw dhiirranaan jiraye
Dhiigyacabka Ina Seed miyaa, gacanta kuu dhiibshey
Ma dhawrsado'e Baydari miyaa, dhoonbir kugu toogtay

Ma dharaarahaad soo gashay, baa shilin laguu dhiibey
Ma waxaan Rubbiyad dhaamin, baa dhimasho kuu geystey
Ma dhabowdey waxan moodi jirey, dhaar-dusmiyo beene

Ma yartaada dhabankaa leh, baa dhaqasha Guur seegtay
Adigaan dhegtaaduna xumayn, dhaladna noo sheegtay
Xabaal lagu dhabsiiyeey miyaa lagu dhaleeceeyey.





 

 

  More

  More

  More

  More

  More

 

 

 

Copyright ©2008, Hoygasuugaanta.com