More

  More

  More

  More

  More

 

 

 

Jaamac Axmed Jaamac "Gacmadheere" (1922 -2004)
HJ, Reer Yoonis "Hullaab sheeg"





Yuusuf Nuur Jaamac ayaa Jaamac ku boorriyey gabadh uu filayey inay wanaagsan tahay. Jaamac markuu gabadhii xansaday wuu u bogi waayey Yuusuf isagoo la hadlayana wuxuu yidhi;

Hillaacii dhowaa meel fogbaa, loo hilaadsaday’e
Beeshii hayaantaa la yidhi, hawdna lagu guurye
Waakaa horseedkii ku furay, hirarki taagnaaye

Harraadbaa ku layn maalintay, harada goostaane
Hayinbaa la rari oo biyaha, waw habeen dhixiye
Hadba kii hoggaan-qaadlehbay, ugu horraysiine

Hardaf buu ku geyn dhoomihii, hilaygu saarnaaye
Waxse hadhay halkaa niman u sidan, haanu dhaansadoe
Haasaawe gole waa inaad, huga u deysaaye

Maantana hiyiba waa hiyiye, waxan hullaab sheegay
Dooxadan hadhkii keli ahaa, lagu heshiin waaye
Laantii hareeriga ahayd, hiif ka bixi waaye

Hadal baa ka dhacay Yuusufoow, hibasho waayeele
Gooraan halaa iga lumay, ee shalay hadhkii dhaafay
Innamaa ku haasaawayoo, haystay jagadii’e

Nimankii horuu joogi jirey, kuma hoddaalmaane
Wax hantiyey dar hoballaynayoo, haatan soo baxay’e
Geedkii hadoodilan dhirtaad, haga hagaagtaaye

Anigana hunguri bayga galay, hadhici weynaaye
Hoostiisa goortaan imi, ee halacsadee eegay
Dabadeed habaas buu noqdoo, soo hareer maray’e

Hugoodaa xumaa, boodhna wayska hurgufaayeene
Hayeeshee haddaa ii waddaan, waa idiin hibo’e
Halkiinii ka gala waa siday, hebello yeelaane.

Gabadhii baa gabaygii gaadhay markaasay Jaamac qabsatay oo cay iyo aflagaaddo badan u geysatay markaasuu tix kale bilaabay uu ku caddaynayo hadallo uu markii hore daboolayey;

Gabadh yahay hubsiiniyo warbaa, lagu hagaagaaye
Dhallinyaradu ways hula ogtahay, heelkan tuulada’e
Qaar aan halkaba jooginbaa, helay xogtaadiiye

Annase hawra-hawraan maqliyo, hadal magaalaaye
Sidii haro kaliil buuxsantoo, hawdka lagu sheegay
Oo dhaanka lala haybiyoo, loo horkacay Awrta
Oo uu harraadkii ka ba’ay, habaqlihii gaadhay

Hebedbaa dadkuba kuu yaqaan, loo hormanayaaye
Kuwii kaa hirqaday baa na yidhi, hagarla’ weeyaane
Anuunbaa hadhee uumiyuu, kaa hunguri beelye
Halas lagu rogyeey meeshu, sow Haws babliya maaha.





 

 

  More

  More

  More

  More

  More

 

 

 

Copyright ©2008, Hoygasuugaanta.com