More

  More

  More

  More

  More

 

 

 

Jaamac Axmed Jaamac "Gacmadheere" (1922 -2004)
HJ, Reer Yoonis "Dhaliil"





Heestan wuxuu Jaamac u tirshey niman ay isku qoys ahaayeen oo uu qaarba wax ku dhaliilayey.


Xaajo laba ninbaa diley,
Xoolona laba ninbaa diley,
Xigtana laba ninbaa diley,
Xijina laba ninbaa diley,
Xushmadna laba ninbaa diley
Xarrago laba ninbaa diley,
Xaqna laba ninbaa diley,
Xaasna laba ninbaa diley.

Xaajo laba ninbaa dilayoo,
Cabdillaahi Xuutaa iyo,
Xaashi Dhegayaraa dilay.

Xarrago laba ninbaa dilayoo,
Cadamigaa xargaafinayiyo,
Xarrago Goodirbaa diley.

Xoolahan laba ninbaa dilayoo,
Axmedkaa Marxaabsade iyo,
Cabdi Xaajibaa diley.

Xijina laba ninbaa dilayoo,
Xaashxaashka Ina Cali iyo,
Xiji Faarax baa diley.

Xushmadna laba ninbaa dilayoo,
Murriyaha ku xayraamiyo,
Yarka xoodan baa diley.

Xaas laba ninbaa dilayoo,
Cabdi Jabanahaa xooriyo,
Xaas Faaraxbaa diley.

Xididna laba ninbaa dilayoo,
Iidlaha ku xila furay iyo,
Xididnimo Bilaa diley.

Xaqna laba ninbaa dilayoo,
Xasankaa ka celin waayiyo,
Kan intuu xer ula baxay,
Xilo siistay baa diley.






 

 

  More

  More

  More

  More

  More

 

 

 

Copyright ©2008, Hoygasuugaanta.com