More

  More

  More

  More

  More

 

 

 

 

 

 

 

Jaamac Axmed Jaamac "Gacmadheere"
HJ, Reer Yoonis "Giin", 1960



Gabaygan wuxuu gabyaagu ku sifaynayaa beesha uu ka soo jeedo isagoo aan beelaha kale ee Soomaaliyeedna xaqirayn.

Abtirsiinyo guudnimo haddii, la isu geed xaadhto
Gobta Reer Isaaq baan ahay, iyo gaanka xoogga lehe
Hadday qoloba gooni u baxdoon, gaar u kala qaado

Muusaha garkaa bari degee, guro fog baan sheegtay
Reer Maxamedkaa Geela leh, ee gudub degaan sheegtay
Samanaha xarrago gaanbiyee, lagu gartaan sheegtay

Guurtida Sanbuur iyo Cimraan, lagu go'aan sheegtay
Toljeclaha galbeed naga xigee, gobolkayaan sheegtay
Cumarkaa gardaafo iyo maag, wax u galaan sheegtay.

Geyigaa la kala leeyahee, guri san baan sheegtay
Kaymaha Gulaanka leh, Saraar gumucyadaan sheegtay
Gooddiga Darmaa leh, iyo Nugaal, Galaxyadaan sheegtay

Geeddiga hayaanka ah Xadkoo, laga gudbaan sheegtay
Ganuunaha biyaha ceelashoo, godob la' baan sheegatay
Idaha guuna Geel iyo Lo' iyo, Gini casban sheegtay

Senge gaadda weyn iyo Darmaan, garabsataan sheegtay
Daaraha Garoommada bannaan, lagu gudbaan sheegtay
Mishigaanka guuxa iyo Madfaca, lagu gubtaan sheegtay.

Kumanyaal Garaad iyo Cuqaal, gar u baxaan sheegtay
Kumanyaal gadhle ah oo, dagaalka is gurtaan sheegtay
Gas-ku-jire gurbood soo socdoo, gaban yaraan sheegtay

Ooryaha la gaato, iyo hablaha, gololadaan sheegtay
Aqallada la goodey iyo Aroos, laga gabyaan sheegtay
Ninna kuma godboobine haddii, Giinka lagu doodo
Ninki aniga igu gaarayow gobo'di baan sheegtay.
 



 

 

 

  More

  More

  More

  More

  More

 

 

 

 

 

 

Copyright ©2008, Hoygasuugaanta.com