More

  More

  More

  More

  More

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Jaamac Axmed Jaamac "Gacmadheere"
HJ, Reer Yoonis "Hadalku soo dhaaf", 1954



Gabaygan wuxuu ku xidhiidhsan yahay gabayga "Wacad" ee uu ka tirshey colaadihii dhexmaray jilibbo ka mid ah beelaha walaalaha ah ee HJ & HY. Gabaygan wuxuu Jaamac kaga jawaabayey mid uu Cabdi Gahayr ugu jiiliyey HY. Jaamac waxa soo gaadhay in ay rag laaluusheen Cabdi Gahayr oo gabaygiisu tisqaad ahaan jirey si uu gabay la xasuusto ugu marsho beelaha HJ. Jaamac oo arrintaas dibaaqaya ayaa tirshey gabaygan soo socda.

Hilib gabayga kuma iibsadiyo, hadhimo maalmeede
Hankaygaa ka weyn soor inaan, ku hungureeyaaye
Hadrad uma nidhaahniyo midaan, nagu habboonayne

Kama hadallo laba reer intay, meel isku hayaane
Kolkay qolo "Hanaab"joogsato, ay hooto ridi weydo
Hebel baa la eeday iyo markuu, hiifku demi waayo
Aannu hubsannaa baan tixdoo, Haadha ah tiriyaaye.

Afartaa intaan ha'da ka deyey, hilin ma qaadsiiyey
Ma habeeyey beyd-gaabku waa, kala halleeyaaye
Mar haddaan hollado maansadaan, hibo ku yeeshaaye
Caawana sidii hoorrimaad heego maw curiyey.

Hadday nabadu hanaqaad ku tahay, lama halaajeene
Harraad kuma idleeyeen qarfaha, hogo kaliileede
Hadba qolo heddeedii gashaa, hogob u laacaaye

Waxa Habar-Magaadluhu is yidhi, haantan soo furo'e
Halaqyaa ka soo baxay markay, hilayga taabteene
Waabeeyo huurtiyo sun bay, hidif ka siiyeene
Hoobaaq dalooshay lugaha kula hantaaqmeene.

Afartaa intaan ha'da ka deyey, hilin ma qaadsiiyey
Ma habeeyey Beyd-gaabku waa, kala halleeyaaye
Mar haddaan hollado maansadaan, hibo ku yeeshaaye
Caawana sidii Hoorrimaad heego maw curiyey.

Muusuhu hareerbuu degaa, waaba kala haade
Harti ways qabteen Barina, waw kala hayaameene
Hindisoode reer Maxamedbaa, hollin karaysaane
Intii ay hubkii urursadeen, humiye duullaane

Horweynada fadhiya weerarkii, hiirta lagu baadhye
Hawshiyo dilkaa nooga fudud, hoohad soo dhacaye
Hayaaydiiba kumanyaal dablaa, hiil la soo kacaye
In weyn kama hadhaan wiilashay, Haybad korisaaye

Goortay xeryaha ka hinqiyeen, laga haleelsiiye
Markuu Haan-Garnaylkii ku dhacay, halawgi maadhiinku
Hijiinkii Sanweynaha markay, hiririgtii yeedhay
Hayn waaye kayntiyo dhirtay, foodda ku hayeene

Ka hinqade baquhu waa waxay, hore u eedeene
Hanqalkaan la kacay saacadduu, higilki noo muuqday
Halaafeedhnay sida geel dhurwaa, helay alleylkiiye
Halmarkiyo fuluhu dhaawicii, sii harraatiye’e

Dhaaxaa halyey magic lahaa, hoydey subaxaase
Waakaa libaaxii hirqaday, hawdka Dhoqosheeye
Hororkiyo Waraabuhuna waa, hilib ma waayaane
Hawooy be’e kun Habar Yoonisaa haydhmay maantana.

Afartaa intaan ha'da ka deyey, hilin ma qaadsiiyey
ma habeeyey Beyd-gaabku waa, kala halleeyaaye
mar haddaan hollado maansadaan, hibo ku yeeshaaye
Caawana sidii Hoorrimaad heego maw curiyey.

Waxa talada hoodo u lahaa, Habar-Xabuusheede
Hakan waaye nimankay wax badan, hoga tusaayeene
Diin baynu wada haysannaa, hadalku soo dhaafye
Hayb baynu wada sheegannaa, hadalku soo dhaafye

Hurintii Isaaq baynu nahay, hadalku soo dhaafye
Hoosaynu soo wada galnaa, hadalku soo dhaafye
Hantigaynu kala soocannaa, hadalku soo dhaafye
Haasaawaheenaysu furan, hadalku soo dhaafye

Hablahaynu kala guursannaa, hadalku soo dhaafye
Haraday farduhu wada mirtaan, hadalku soo dhaafye
Daarood dhanbuu naga hayaa, hadalku soo dhaafye
Hiilbaa innoo xeer ahaa,hadalku soo dhaafye

Heeraabadeenaysku jabi, hadalku soo dhaafye
Hagar iyo Wacays baynu noqon, hadalku soo dhaafye
Qoluunbaa habaas lagaga tegi, hadalku soo dhaafye
Hagardaamadeenaysku badan, hadalku soo dhaafye

Geelaa xeryaha hawdh ka noqon, hadalku soo dhaafye
Hadhuubbada gallacanbaa la qubi, hadalku soo dhaafye
Caydhaa hareeraha u bixi, hadalku soo dhaafye
Habeenbaan guryaha lagu ledeyn, hadalku soo dhaafye

Hooyaay ma kala joogsannaa, hadalku soo dhaafye
Waxsuu haatan naga taagan yahay, labadi haamoode
Mar hadduu is hiirowsigii, noo hirgeli waayey
Bagaa loo hawirey wiilashii haadda la ciyaaray.
 



 

 

 

  More

  More

  More

  More

  More

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Copyright ©2008, Hoygasuugaanta.com