Garta xeer-beegti Iyo xeerarka somalida

Waxa qoray Cabdi Caara-dhuub _______Q: 06aad
 

Xeerarka: Guud ahaan Somalidu ama gaar ahaan dadka reer Somaliland waxay leeyihiin xeerar dhaqan oo ay ku kala baxaan marka ay arimo dhexmaraan, arimahaas oo la xidhiidha mucaamilka nolosha hadii ay tahay marka ay dhibaatooyin dhexmaraan iyo hadii ay tahay marka ay arimo dhaqan dhexmaraan.

Xeerarka dhaqanka waxa wax ku hogaamiya ama dabakha hogaamiyayaasha dhaqanka, sida, Caaqilka, Suldaanka, garaadka, boqorka IWM iyo sidoo kale odayaasha beelaha hogaamiya ama u taliya.

Laba beelood iyo ka badan oo ku dhaqan isku degaan ama degaamo isku xig-xiga waxa had iyo goor ka dhexeeya xeerar ay ku wada macaamilaan, kuwaas oo ay ku kala baxaan marka ay arimo dhexmaraan, sida dilal, xoolo la kala qaado, dumar la faraxumeeyo IWM. Sidoo kale reer ama qabiilka dhexdiisu waxa uu leeyahay xeer hoosaad ay isku maamulaan ama ku macaamilaan dhexdooda. Laakiin hadii aanay jirin cid dhigataa xeer iskama samaymo, waayo waa inay jirtaa cid mucaamil
dhexmaray ama dhibaato kala gaadhay, ka dibna sidii ay arinta ama arimaha dhexmaray ugu kala baxaan ama u xalilaan ayay yidhaahdaan sidaas ayaa inoo xeer ah. Laakiin xeerka qabiilku dhexdiisa mar waa xanaan, marna waa la isku anshax mariyaa hadii uu qof reerka ka mid ahi qalad galo, iyadoo uu xeerku noqon karo xeersan ama xeer qalafsan oo aan xanaan lahayn, isla markaana qofkasta oo beesha ka mid ahi waxa uu xeerka ku leeyahay xuquuq iyo waajibaad , sida Hiil, Qaadhaan, Mag laga bixiyo isna uu wax ka bixiyo, gaadiidka (Awrta) oo la kala gaadiid ceshado, Kaalo la isa siiyo IWM.

Xanaanku waxa weeye waxyaalaha la is taro, sida abaalgud, ina la isu baadi-celiyo, inaan dumarka la kala faraxumayn, isla markaana aan la isu dhaafin qofta dumar ah ee la qabo ama gabadha doonan, qofta dumar ah ee marka laga dhinto aan dumaasheedda ninka leh loo dhaafin oo aanu nin kale guursan, inaan la isku samayn waxyaalo meel ka dhac ah, sida dhirbaaxo, cay, xabbad la isku rido IWM., balse hadii ay waxyaalahaasi dhacaan oo aanay labada qolo ama labada dhinac ee ay kala gaadhay aanay markiiba dhamaysan ama la isaga dulqaaddan, waxa dhacaysa in marka qofka wax loo tirinayo la gole keeno ee wax lagu cadaysto waxa jira xeer ciqaabeed la mariyo qof, sida xaal lagu xukumo, iyadoo uu xaalku yahay xoolo qofka wax trisanaya lagu dhaahiyo ama wixii uu trisanayey lagaga bogsiiyo. Waxa kale oo uu xaalku noqdaa gabadh la siiyo qofka wax tirsaday.

Qof Jid leh: Waxa jira wax dadka iskaga darsama ama iskaga qaldama, taas oo ah garta iyo dawga, masalan waxa jirta odhaah tidhaahda “Waa gar, dawse ma aha”, sidaa darteed hadii aynu waxoogaa ka iftiimino waxa ay kala yihiin garta iyo dawgu waa sidan:

Waxyaalaha jidka ah waxa ka mid ah in qofka muduciga ah (Dhibanaha) marka loo garqaadayo wax kasta mudnaanta la siiyo sida: Maxaa laguu geystay, ma samraysaa iyo inuu hadalka ku horeeyo, oogista markhaatiga ku horeeyo, xiliga uu garta u diyaar yahay isaga (Muduciga) la hor waydiiyo IWM, sidaa awgeed waxyaalahan oo kale waa waxyaalaha uu qofku jidka u leeyahay.

Ta kale marka wax la isku qabsado qofka wax lagu qabsadaa oo masalan neef xoolo ah lagu qabsadaa waxa kula garnaqsan kara qof leh aniga ayuu neefkaasi ii dhashay oo askunkiisa lahaa mooyee aanu kugula agrnaqsan karin nin leh waxaas ama neefkaasi cid kale ayuu iga soo galay, sida kaalo ayaa la ii siiyey, yarrad baa la ii siiyey, muquunno ayaa la ii siiyey IWM,
masalan waxaad maqlaysaa nin tulud geel ah iibsanaya ama dhul iibsanaya oo leh hashaa ama dhulkaa hadii la igu qabsado adigaa hadhow ii hadal tirayaa ma dhicinaya, markaa hadii lagugu qabsado aduun cid kale kaa soo galay jidku waxa weeye cidii ay kaa soo galeen ii gee ama cidii ay iga soo galeen ayaan kuu gaynayaa.

Waxa kale oo jid ah inaad gartaada cid u igmato ama qarreen qabsato waa jid , inaad ambiil qaadataana waa jid, sidoo kale inaad maganta, maatada aad masuulka ka tahay ama qofka aan caqligiisu dhamayn inaad xaqooda baadi doontaa waa jid.
 

Copyright ©2007 Hoygasuugaanta.com