|   Home  |  GabayoMaqalAbwaan  |  Halqabsi  |  Halxiraale  |  Sheekooyin  |  Siyaasad  |

 
Deyn-Qaad
Dhawaaq
Ma illoowdey
Ilaahay ka bari
 










 
 
 
 
  Dhawaaq

Jaamac Xirsi Dubbe, (HY)

Gabaygan oo ka mid ahaa Maansada GUBA la baxday waxa Abwaanku ugu jawaabayaa Cali Dhuux gabaygiisii ahaa.

Haddii dherer wax taro naagahaa dhicin lahaa Geele
Iyaba Aabahood oo dhintay dhaxal ka waayaane


Wuxu Yidhi Ina Dubbe;

Anoo dhoor leh gabay waanigii dhigay hannaankiiye
Xaluunbay dhambaalladu sideen dhowr ku soo ridaye
An dhaqaajo waatuu beryahan dhabarka saarnaaye

Allahayoow dhawaaq run ah maxaa Cali ku dheeraaday
Dhengeddiyo Haweenkaan ilmada qaar ka dhiidhiyine
Dhashooday dagaalaan kolkay dirid dhammaystaane

Wax ka dhigan qabiilkuu dhacee weli dhex joogaaye
Dhammidii Ogaadeenka sow Dhexidh ma qaadsiinnin
Ma dhandhaamay reer Dalal sidii dhugatadii Qaanka

Dheeldheel miyuu kula kaftamay dhagar intuu geystey
Uu weliba lama dhuumannine Dhugadna gaadhsiiyey
Dhicis iyo miyuu dhankaa miyuu Webi u dhaafsiiyey

Ma dhirbaaxadii lagu dhuftuu dhaabado u raacshey
Dhoollaha kolkuu uga qoslay gacal dhaweystaane
Inuu shalay Dhalfiifaha ka dhigay dhaadimahayaane

Dhalfa-weynayaashuu hayiyo dhaafe gabaygiiye
Allahayoow rag layskuma dhirshee dhoohanaa nimanku
Dhaantada iyo Jiibtiyo Orkaad dhalasho mooddaaye

Dhallinyariyo waayeel kurtood wax isma dhaamaane
Dhuuxoowda goortay maqlaan dhaafe xoolaha'e
Dhusla orodka kaymaha xidhkii dhuuban laga baydhye

Ku dhadhabe hadday dhebi sitaan dhimasho Geeryaade
Aaway Dhoonbirkiyo Maarrihii lala dhabaynaayey
Dhulku idin liqyeey sow iyaba koodu dhici maayo

Afartaa dhallaanku ha bartee dhaw ma kaga siiyey
Dhaqso hadalka kii loo yidhaa malaha dheecaane
Dhaxdin yarina meel doog leh way kugu dhaweysaaye
Dhawaaq kalena way xaajadaa dhaafay madaxooda

Dhudhumada ninkii kaa jebshee shaqasho kaa haynin
Gadhoodhkiinni hadhaybuu Isaaq maanta dhigayaaye
Waa lagu dhintaa Geelayaga sida dhunkaaleeda

Ma dhaqaaqdo qoladii fardaa dhuuban gelisaaye
Ma dhadhamin wadaadkii Hartiga dhoon ka buuxsadaye
Haddii dheegga Haaneedka sumad dheeri kaga taallo
Dhurwaaguba ma cuno Tuugga aan dhaqanse mooyaane....

Isba dhuuni waa jecel yihiyo sidigta dhaameele
Dhacaa laga horraysiiyayoo Dheeha malahayne
Dhirta debedda waakii fadhiyey toban dharaaroode
Bal Dhulmahante Habar Yoonis muu dhiinka kala gooyo

 
 
 
     
Copyright 2000 - 2002  HoygaSuugaanta.com