Q O R A A L

 

 

 

 

 

 

 

Ismaaciil Aw Aadan

Reer Iidle, HJ  

Somali Poetry

Gabaygan wuxuu abwaanku uga warramayaa dhibaatooyinkii qurbaha lagala kulmay asagoo dadka ku boorrinaya inay dalkoodii hooyo dib ugu laabtaan.

Dul ahaanba Soomaalidii debedda soo aaday
Duqadiyo barbaartuba ku lumay deggelo sheeydaane
Dayow iyo weerar baa ku dhacay duulashii tegaye
Dawgiyo jidkaad martaba rag baa jiifa oo dedane.

Kuman doorsan kumanyaal dibjiray kuman dugaagoobay
Kuman qaad daliigoo sidii adhiga daaqaaya
Iyo kuman khamrigu daashadoo daasad wada haysta
Iyo kuman xashiishadi dishoo wada daroogaysan

Iyo kuman khamaar lagu diroo faras ku daandaamay
Iyo kuman dalooshaday dhagtoo dahabka laadlaadshay.
Iyo kuman timaha loo daboo dumar la moodaayo
Iyo kuman naftoodana dayacay ehelna doonaynin
Iyo kuman dafiray aabbe iyo hooyadii dihatay
Iyo kuman durriyadday dhaleen dub u xanuuneynin

Iyo kuman dalaaqoo ka tagay Dahabadii xaaska
Iyo kuman damiinoon fahmayn deriska loo meersho
Iyo kuman aqoon kale ka dama diina garanaynin.
Iyo kuman sidii awr da`furay dacayda laallaadin

Iyo kuman dareenkiyo shakiga doqonniimow raacdo
Iyo kuman ibleys duufsadoo gaal ku dayanaaya
Iyo kuman dalkoodiyo afkiyo diida dhaqankooda
Iyo kuman xil iyo dawlad iyo qaran danayneynin

Iyo kuman siyaasad ku dawakhay dabin u qoolkeeda
Iyo kuman dorraatiyo wax tegay dumin ka sheekeeya
Iyo kuman degaankiyo bulshada deyr u kala ooda
Iyo kuman belaayada dab iyo digo ku nooleeya

Iyo kuman dil iyo xaasid iyo diradiraw yeelan
Iyo kuman dadaalkoodu yahay doorkan qudha taajir.
Intaasaa dadkiinnii ku jira debedda dhoobnaaye
Doog raaca geeddiga rarmay oo meella degi waayey

Dib baa looga sheekayn haddaan laga digtoonaanne
Duli aan Ilaah idinku qaban ayaan la daa`imine
Dalkeenniyo dadkeennii qabtoo dib u soo dhoofa.


 

M A Q A L

  More

  More

  More

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Copyright ©2002, Hoygasuugaanta.com