Ina Jadeer

 |   Home  |  Gabayo Maqal Abwaan  |  Halqabsi  |  Halxiraale  |  Sheekooyin  |  Siyaasad  |
 
Arday& Macallin
Ninkagaa atorka
Ruuxa kaa jari
Haddaan
Magacaygu waa
Muxumud Liibaan Jadeer (HA)

Gabaygan Muxumad Liibaan Jadeer wuxuu marshay muddo haatan laga joogoo ugu yaraan qarni iyo badh. Munaasabada gabayganay waxay ku salyasnayd Muxumad Liibaan Jadeer iyo col la socday ayaa geel qaad ka qayb qaatay, goobtii ayaa dagaal xooglihi ka aloosmay oo rag badani ku naf waayeen sida ay sheekadu nagu soo gaadhay. Raggaa geeriyooday waxa ka mid ahaa baa la yidha Muxumad walaalkii iyo ninaman kale oo ay aad isugu dhawaayeen. Isaga oo aad u murugaysan ayuu gabaygan ay inta yari naga soo gaadhay uu goobtaa ka tiriyay.
Maansadu waxay ku bilaabmatay sida tan: .

Haddaan igadhyo maalana anfaco, ku il samaan maayo
Haddaan ila-xidh seexdana hurdada, aad u ladi maayo
Haddaan ooyana dumarkaan arko, wax uma aabayso
Haddaan uubateeyana raggii, iigu iman maayo
 
   
Copyright 2000 - 2003  HoygaSuugaanta.com